Soomaali ku dhibaateysan Israel
Soomaali ku dhibaateysan Israel
Soomaali ku dhibaateysan Israel

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in labo askari ay ku dhaawacmeen labo qarax oo caawa lala beegsaday saldhigga booliska ee magaaladaasi. Labada qarax oo isdabajoog ahaa ayaa loo adeegsaday bambooyin, waxaana lagu soo warramayaa in askarta dhaawacantay uu midkood dhaawaciisu halis yahay. Dad goobjoogayaal ah ayaa Bar-kulan u sheegay [...]
2011-10-31-Xulka-wararka-7pm

Kulan looga hadlayo sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka iyo horumarka gobolka Gedo ayaa maanta ka furmay degmada Doolow oo ka tirsan gobolkaasi, kaasoo ay maalgalineyso hay’ad ka shaqeysa arrimaha ammaanka iyo horumarinta oo ka dhisan dalka Mareykanka. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sida guddiga dib-u heshiisiinta, [...]

Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee deggan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Raysul wasaaraha ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada Soomaalida in ay la shaqeyso ciidamada ammaanka ee dalka Kenya, isla markaana ay dhowrto sharciga, si ay uga fogaato wax kasta oo dhibaato u [...]

Cayaaryahanka Soomaaliga ah ee Ayuub Daa’uud oo haatan ammaah kula jooga kooxda kubbadda cagta FC Sion ee dalka Switzerland ayaa la xaqiijiyay inaanu ka qeybgeli doonin kulanka isreeb-reebka koobka adduunka ee sanadka 2014-ka ay wada cayaari doonaan xulalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Daa’uud Iidow (Jeenyo) oo ah Ayuub Daa’uud aabbihiis ayaa Bar-kulan u sheegay inuu cayaaryahanku [...]

Diyaarad nooca loo yaqaan AC 130 ah oo joog dhexe ku duuleysa ayaa lagu soo warramayaa in 24 kii saac ee la soo dhaafay ay dul heehaabeysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi. Wasiir ku-xigeenka amniga ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan (Baasto) ayaa Bar-kulan u sheegay in [...]

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa maanta sheegay in ciidamada AMISOM ay boqolkiiba 98 gacanta ku hayaan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab. Mahiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM ay si aad ah [...]

Kooxda kubbadda cagta Tottenham ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaadday in marka uu furmo suuqa kala iibsiga cayaartoyda ay dooneyso inay la soo wareegto labada cayaaryahan ee kala ah Rio Ferdinand iyo Michael Owen oo haatan u cayaara kooxda Manchester United. Tababaraha kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa sheegay in wax kasta oo [...]

Weeraryahanka xulka qaranka Cameroon iyo kooxda kubbadda cagta Anzhi, Samuel Eto’o ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inaanu ka qoomameyneyn go’aankii uu qaatay markii uu ka tegayay kooxda kooxda Inter ee dalka Talyaaniga. Samuel Eto’o ayaa la kulmay eedeymo markii uu isaga tegay kooxda Inter ee uu ku biiray naadiga Anzhi ee dalka Ruushka, [...]