Bogga hore » September 30th, 2011 Warbixinada ku daabbacan “September, 2011” 
Barnaamijka kulanka Jimcaha waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa Bar-kulan habeen kasta oo Jimco ah 8:10 PM saacadda Afrikada Bari, innagoo uga hadalna qodobbo kala duwan oo khuseeya diinta iyo nolosha. Haddii aad daneyneyso inaad ka qeyb gasho barnaamijka Kulanka Jimcaha ee idaacadda Bar-kulan waxaad aragtidaada ama su’aalahaaga noogu soo gudbin kartaa www.Facebook.com/bar-kulan ama [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Barnaamijyada,Kulanka Jimcaha | Sii Akhri

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarado ay duqeyeen saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin magaalada Ceelbuur. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa wax yar kaddib duqeynta Bar-kulan u sheegay in la bar-tilmaameedsaday saldhigyo ay maleesiyada lahaayeen, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale diyaaradaha waxay duqeeyeen deegaanka Ceel-garas oo [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Dhuusamareeb,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Bulshada ku nool magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ayaa ka codsaday dowladda Yemen in ay badbaadiso, oo ay xaqiijiso ammaanka dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalkeeda. Dad la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in xaalad khatar ah oo xagga nabadgelyada ah ay soo food saartay Soomaalida ku nool Yemen, wixii ka dambeeyay markii [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri
2011-09-30-Xulka-wararka-7pm
September 30th, 2011 | La daabacay Xulka | Sii Akhri

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta tababar bil socday Muqdisho ugu soo gabagabeeyay xubno ka kala socday degmooyin ka tirsan gobolka iyo howl-wadeennada maamulka. Tababarka oo dadka ka qeybgalay ay kala matalayeen 7 degmo oo ku yaalla gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu baranayay maamul wanaagga iyo xoojinta nidaamka waxbarashada, iyadoo ay ka qeyb galayaashu sheegeen in [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Hoggaanka booliska ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii ay uga howlgeli lahaayeen dhammaan saldhigyada booliska ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Taliyaha booliska AMISOM, Dr Steven Kasima oo u warramay Bar-kulan ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socda ay booliskoodu ka shaqo bilaabi doonaan xarumaha booliska ee degmooyinka [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Muqdisho,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa galabta ku soo bandhigay fagaaraha Beerta Xoriyadda ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose diyaarad kuwa wax basaas ah oo dhowaan soo dhacday. Qof goobjooge ah ayaa Bar-kulan u sheegay in uu diyaaradda dhererkeedu dhamaa ilaa labo mitir, uuna ku xirnaa matoor nooca mootooyinka ah, isagoo tilmaamay in goobta lagu soo [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri

Dad soo barakacay oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta loo qeybiyay raashin, kaddib markii ay qabteen shaqo cunto ku beddelesho ah. Howshan oo ay fulisay hay’adda maxalliga ah ee SOHDO oo kaashaneysa barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ayaa waxaa raashin ka kooban masaggo, misir, galley, digir iyo saliid loogu qeybiyay [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Gaalkacyo,Gobolada,Wararka | Sii Akhri

Ku soo dhowaada ruwaayadda raadiyaha ee idaacadda Bar-kulan oo uu hal-ku-dhiggeedu yahay Hoygaagi dib ugu noqo. Waa sheeko taxane ah oo ku socota jiilka dhallinyarada ah, isla markaana ka hadleysa dhibaatada dalka ka jirta. Halkan hoose ka dhageyso qeybta 22-aad ee sheekada. 2011-09-30-Hoygaagi-dib-ugu-noqo-22aad
September 30th, 2011 | La daabacay Ruwaayad | Sii Akhri

Afhayeenka ciidamada Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar oo ka warbixiyay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen degmada Dhoobley ayaa sheegay in ay khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen, isagoo beeniyay in degmada ay gacanta ugu jirto maleeshiyada Al-Shabaab. Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni ay gacan ku hayaan degmada Dhoobley, isla markaana ay eryeen [...]
September 30th, 2011 | La daabacay Gobolada,Kismaayo,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri