Totti oo Tababaraha Chelsea ku casuumay inuu ku soo biiro Roma

Francesco Totti/google images
Kabtanka kooxda AS Roma, Francesco Totti,ayaa ku casuumay tababaraha kooxda Chelsea ee dalka Ingriiska Carlo Ancelotti in uu ku soo biiro kooxda Roma ee dalka talyaaniga.
Totti,waxa uu sheegay in Ancelotti uu yahay tababare xirfad wanaagsan leh oo Roma u horseedi kara in ay ku talaabsato guulo, isagoo muujiyay sida uu shaqsiyan u jeclaan lahaa in uu arko Ancelotti oo tababare u ah.
Kabtan Totti, ayaa horseed u ah kooxda Roma oo la daalaa dhaceysa guul darooyin, waxaana todobaadkan uu guul u soo hooyay kooxdiisa markii ay ka hor tageen kooxda Udinese.
Roma hada waxay horyaalka Talyaaniga kaga jirtaa 6-aad, waxayna saddex dhibcood ka hooseysaa kooxda Udinese ee ay ka adkaatay.
Warbixinada la Xiriira:

