Ciidamada Puntland oo baaritaanno ka wada Gaalkacyo
Ciidamada booliska maamulka Puntland ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka wada baaritaanno ay ku sameynayaan xaafadaha magaalada, kuwaasoo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay, dil xalay magaaladaasi loogu geystay guddoomiyihii hore ee maxkamadda gobolka Mudug.
Howlgallada oo saakay billowday ayaanay jirin ilaa iyo haatan dad ay ciidamadu u qabteen dilkii Sheekh Xuseen oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda gobolka Mudug.
Maamulka Putland ayaa ku eedeynaya dilalka ka dhaca waqooyiga magaalada Gaalkacyo inay ka dambeeyaan maleeshiyo taabacsan Sheekh Maxamed Saciid Atam, oo ay horay u dagaallameen ciidamada Puntland.
Saddexdii toddobaad ee aynu ka soo gudubnay ayaa waqooyiga Gaalkacyo waxaa ka dhacay falal lid ku ah ammaanka, iyadoo halkaasi lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo waxgarad.
Warbixinada la Xiriira:
- Puntland oo ka hadashay ganacsade lagu dilay Gaalkacyo, 2011/08/20
- Puntland oo ka hadashay howlgallo ay ka waday Gaalkacyo, 2011/05/31
- Taliyaha ciidamada booliska Puntland oo Gaalkacyo tagay, 2011/04/19
- Guddoomiyihii maxkamadda darajada koowaad ee Puntland oo is casilay, 2011/01/29
- Gaalkacyo: Banaanbax lagu taageerayo maamulka Puntland, 2011/01/19


