Bannaanbax ka dhacay Baydhabo
Boqollaal dadweyne ah ayaa maanta bannaanbax ka sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyagoo ka soo horjeeda shirkad ay maleeshiyada Al Shabaab ka kireysay kawaanka hilibka ee magaaladaasi.
Shirkad lagu magacaabo Wadajir ayaa maleeshiyada Al Shabaab waxay dhowaan ka kireysay kawaanka, iyagoo dadweynaha magaaladana ku wargeliyay inaanay hilibka ka iibsan karin shirkaddaas cid aan ahayn, taasoo ay dadweynuhu ka soo horjeesteen.
Bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab iyo shirkadda laga kireeyay kawaanka, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa Bar-kulan u sheegay inay ka xun yihiin tallaabada ay maleeshiyadu ku kireysay kawaanka oo bulshada ka dhaxeeyay.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa rasaas ku kala eryay dibadbaxayaasha, xilli ay marayeen Afar Irdoodka magaalada Baydhabo, waxayna ku hanjabeen inay tallaabo ka qaadi doonaan dadkii soo abaabulay dibadbaxaasi.
Warbixinada la Xiriira:


