Bogga hore » January 31st, 2011 Warbixinada ku daabbacan “January, 2011” 
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa bulshada caalamka ka codsaday in ay taageerto dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM u jooga Soomaaliya. Ban Ki-Moon ayaa khudbad furitaan ahayd oo uu ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu ku codsaday [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri
Barnaamijka ganacsiga waa barnaamij maalinle ah oo raadiyaha Bar-kulan aad ka dhageysan karto maalin kasta marka laga reebo maalinta Jimcaha. Barnaamijka maanta waxaan ku eegeynaa qodobbo ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ka jira magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo xubinta sarrifka lacagaha qalaad iyo qaabka cuntada loo kariyo. Barnaamijka oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Dhaqaalaha | Sii Akhri

Barnaamijka Barbaarta waxaan maanta uga hadleynaa wacyigelinta iyo waxa ay u tari karto dhallinyarada Soomaalida. Barnaamijka maanta waxaan uga hadleynaa doorasho shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo lagu doortay guddoomiye cusub oo uu yeeshay ururka Somali Youth Diaspora Community (SYDC). Waxaa barnaamijka marti noogu ah Xuseen Axmed Maxamed oo ah guddoomiyaha cusub ee [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Barbaarta,Barnaamijyada | Sii Akhri

Wararka ka imaanaya degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaarida dagaalka ay xalay waqti dambe soo gaareen degmadaasi. Ciidamadani oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa ay fariisimo ka sameysteen duleedka degmada Yeed, iyadoo la sheegay inay kulamo la [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Qodobada wararka,Wararka,Xudur | Sii Akhri
Guddiga madaxabannaan ee dastuurka ayaa qabyo-qoraalka dastuurka u qeybiyay Soomaalida ku nool dalka Jabuuti, si ay fikradahooda ugu biiriyaan waxa ay la tahay in lagu kordhiyo dastuurka hadda qabyada ah ee loo diyaarinayo Soomaaliya. Guddiga madaxabannaan ee dastuurka ayaa shalay caasimadda Jabuuti ku soo gabagabeeyay kulamo uga socday halkaasi saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay, kuwaasoo [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Jaaliyadda Dibedda,Wararka | Sii Akhri
2011-01-31-Xulka-wararka
January 31st, 2011 | La daabacay Xulka | Sii Akhri
Guddiga madaxabannaan ee dastuur u sameynta Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Guddiga ayaa mas’uuliyiinta maamulkaasi ee ay la kulmi doonaan kala hadli doona arrimo ku saabsan qabyo-qoraalka dastuurka. Guddigani ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Gaalkacyo waxay [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Gaalkacyo,Wararka | Sii Akhri

Barnaamijka waxbarashada waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda Bar-kulan maalin kasta oo Isiniin ah, waxaana ku soo qaadannaa qodobbo kala duwan oo khuseeya waxbarashada Soomaalida ee gudaha dalka iyo dibaddaba. Todobaadkan waxa aynu uga hadlaynaa Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, oo ka cabanaya dugsiyada [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Barnaamijyada,Waxbarashada | Sii Akhri
Madaxwayne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa tababar u soo xiray ciidamo boolis ah oo muddo 30 cisho ah loo tababarayay sida loola dhaqso bulshada iyo awoodaha ay isticmaali karaan xilliyada howlgallada ay ku jiraan. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa shalay mar uu ka qeyb galay xaflad lagu soo xirayay tababarkaasi oo ay qaateen ciidamo [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Garoowe,Wararka | Sii Akhri

Maleeshiyada Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa fageere ku yaalla deegaanka Maslax ee magaalada Muqdisho ku toogtay nin ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa CIA-da Mareykanka. Horjooge lagu magacaabo Cumar oo maleeshiyada Al Shabaab ee gobolka Banaadir u qaabilsan Maxkamadeynta ayaa sheegay in Axmed Cali Xuseen oo 44 jir ah uu qirtay in uu [...]
January 31st, 2011 | La daabacay Muqdisho,Qodobada wararka,Wararka | Sii Akhri