R/W Sharmaarke oo Kulan ku Qabtay Nayroobi
Nairobi-Bar-kulan-Ra’iisul Wasaaraha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa xalay xaflad afur ah ugu sameeyay Hotel Hilton qaar ka mid ah xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya.
Xaflada oo ay ka qeyb galeen in ka badan 50 xildhibaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha dawladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharmaake, wuxuu ka hadlay dagaalada ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo khilaafka maalmahan harreeyay mas’uuliyiinta sare ee dawladda KMG Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dagaalka Muqdisho ay ka qeyb qaadanayaan horjoogayaal wadamo kala duwan ka soo dagaalamay iyo dad ajaanib ah, isagoo ammaan u jeediyay ciidamadda dowladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal u taagan difaaca dawladnimada, inkastoo uu qiray in ciidamadda aysan helin daryeel fiican.
Ra’iisal Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ka hadlayey afurkii uu xalay u sameeyay xildhibaanada ayaa waxaa uu intaa raaciyey in iyadoo xaaladaasi dagaal ay jirto in ay tahay wax laga xumaado in mas’uuliyiinta sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya uu hareeyo khilaaf siyaasadeed isla markaana ay beesha caalamka la yaaban tahay khilaafaadka dhex yaala dawladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu intaa raaciyay in wadamadda deriska ah ay ku yabooheen in ay difaacaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, balse ay doonayaan in ay isku duubnaadaan madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Shacabka si looga gudbo khatarta ka jirta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid wuxuu kaloo ka hadlay arrimaha dastuurka qabyada ah iyo waqtiga u haray jiritaanka dowladda ee looga gudbi karo KMG, isagoo sheegay in qabyo qoraaleedka dastuurka ay tahay mid u taalo Baarlamaanka in ay ansixiyaan inkastoo uu tilmaamay in aysan muuqan xilligan in afti laga qaadi karo dastuurka cusub.
Ra’iisul Wasaaaruhu waxaa uu tilmaamay in sanadka 2011-ka kadib haddii baarlamaanka waqti loogu darayo oo aan baarlamaan kale la soo dooran karin iyo waqtiga aftida la qaadi karo, laga doonayo baarlamaanku in uu go’aan ka gaaro, isagoo xildhibaanada u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan danaha shacbiga Soomaaliyeed.
Xafladaasi afurka kadib ayaa waxaa shir gaar ah yeeshay ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaanada uu martiqaadka u sameeyay inkastoo aan la faahfaahin arrimaha ay ka wada hadleen mas’uuliyiintaasi.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
- Kulan Soomaaliya ku saabsanaa oo London lagu soo gabagabeeyay, 2011/02/10
- Madaxweynaha oo Baarlamaanka Tagay iyo Mooshin Ka dhan ah Xukuumadda Sharmaarke oo la qaybiyay., 2010/09/15
- Muqdisho oo lagu qabtay Kulan nabada looga hadlayo, 2010/07/22
- Rw Sharmaarke oo ka Hadlay Dagaalada Muqdisho., 2010/07/02
- Sharmaarke: Xukuumaddu ma dhicin., 2010/05/18
