Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Diyaargarowga Ciidda ee Boosaaso

Boosaaso:Bar-kulan-Dadweynaha magaaladda Boosaaso ayaa si weyn ugu diyaar garoobay farxada munaasabadda Ciidul Fidriga ee haatan la dhawrayo.

Todobaadkii ugu danbeeyay ayaa diyaar garoowga dadweynaha si weyn looga dareemay suuqyada ganacsi ee magaaaladda Boosaaso ee Puntland oo dhaqdhaqaaqoodu si weyn u sareeyay,  iyadoo aad loo camiray qeybaha dharka, kabaha iyo macmacaanadda lagu iibiyo, waana meelaha suuqa ugu mashquulka badan oo ay dad fara badan u soo adeeg doontaan marka la gaaro waqti Ciideedka Islaaamka.

Muuqaalka guud ee Suuqa Boosaaso ayaa laga dheehan karaa  gabagabada diyaar garowga munaasabadda maalinta Ciidul Fidriga, iyadoo ay suuqyada buux dhaafiyeen wiilal iyo gabdho dhalinyaro ah oo iibsanaya dharka quruxda badan oo ay ugu tala galeen in ay ku ciidaan, iyo waalidiin carruurtooda gacmaha haya oo u iibinaya dharka Ciida iyo waxyaaba kale oo ay carruurtu ku ciidaan munaasabada farxada maalinta Ciida.

Ganacsatada Suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso ayaa ka faa’iideysanaya waqtigooda, waxayna bannaanka u soo saareen dhamaan waxyaabaha ay hayaan gaar ahaan dharka quruxda badan, iyadoo qof walba uu iibsanayo dhar iyo waxyaabo kale oo Ciida loogu talo galay.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Boosaaso oo howlgallo dad lagu xirxiray, 2011/05/27
  2. Boosaaso oo bandow lagu soo rogay, 2011/04/18
  3. Burco oo laga dareemayo diyaargarow Ciida, 2010/11/15
  4. Al Shabaab: Salaadda ciidda laguma tukan karo masaajidda, 2010/09/08
  5. Diyaargarowga Ciidda ee Burco, 2010/09/07

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal