Cadaadiska Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka
Columbus:Bar-kulan-Xawaaladaha Soomaalida ee magaaladda Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa ka cabanaya mamnuucid ay saareen xawaaladaha Soomaalida, Shirkadaha iyo Bankiyada ku yaala gobolka Ohio ee dalkaasi.
Wakiilka Shirkadda Xawaaladda Mustaqbal ee magaaladda Columbus, Maxamed Xirsi ayaa Bar-kulan u sheegay in caqabadaha dirista lacagaha Soomaalida ka haysata dalka Maraykanka ay tahay dhinaca sharciyadda iyo cabsi laga qabo in lacagahaasi loo weeciyo qaabab kale oo khatar ku ah amaanka dalkaasi, wuxuuna tilmaamay in ay jirto cadaadis ay dowladu ku hayso Shirkadaha iyo Bankiyada ku yaala Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.
Wakiilka Shirkadda Xawaaladda ee Tawakal ee magaaladda Columbus ee dalka Maraykanka Cabdicasiis Cali ayaa isna sheegay in mamnuucidaasi xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Ohio ay saameyn ku yeelatay dadka Soomaalida ee loo xawilo lacagaha ay noloshooda ku maareeyaan, isagoo tilmaamay in kala duwnaansho ay jirto xilliga ay Bankiyada furnaayeen iyo maanta, wuxuuna sheegay in macaamiishu ay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin in lacaguhu ay daahaan iyadoo ay ku adkaato in jeeg ku keenaan lacagta.
Wakiiladda Shirkadaha Xawaaladaha ee gobolka Ohio ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee gobolkaasi loo joojiyay lacagaha xawaaladaha ay tahay shaki badan oo ay dawladdu qabto oo la xiriira lacagaha badan ee ka baxaya dalkaasi ee loo diro Soomaaliya taasoo ay sheegeen in Maraykanku uu ka cabsi qabo in lacagtaasi loo diro meel aan munaasab ahayn ama dad khatar ku ah dalka Mareykanka.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
- Minnesota:Xawaaladaha Soomaalida oo shaqada joojiyay, 2011/12/30
- Oxfam: Yaan la xirin xawaaladaha Soomaalida, 2011/12/24
- DKMG oo ka hadashay xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka, 2011/12/18
- Maraykanka: Adeegyada xawaaladaha oo xirmaya 30-ka December, 2011/12/12
- Xawaaladaha oo ka cabanaya la shaqeyn la’aanta bankiyada Mareykanka, 2011/02/26
