Bankiga Horumarinta Islaamka iyo Ardayda Soomaaliyeed
Sanca:Bar-kulan-Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa taageero waxbarasho u fidiya ardayda Soomaaliyeed ee kaalimaha wanaagsan ku guuleysata kuwasoo wax ku barta dugsiyada hoostagga daladda waxbarashada ee FPENS.
Guddi ay leeyihiin ardayda uu waxbarshada ka bixiyo Bankiga Islaamka oo xalay xaflad mahadcelin ah ugu sameeyay magaalada Sanca ee dalka Yemen Bankiga Islaamka, ayaa guddigu ay sheegeen in ay ka faa’iideysteen fursadahaasi deeqaha waxbarasho arday Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha guddiga ardayda waxbarshada uu ka bixiyo Bankiga Islaamka Cabdiweli Maxamed Axmed ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in guddigaasi ay ardaydu leeyihiin oo ka kooban shan xubnood ay uga mahadcelinayaan Bankiga Islaamka taageeradda iyo fududeynta howlaha ardayda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa wuxuu intaa raaciyay in Bankiga Islaamka uu waxbarashada sanad walba ka bixiyo 20 arday oo Soomaliyeed, kuwasoo loo qaato kuliyadaha Caafimaadka iyo Injineeriyada, , isagoo sheegay in dalka Yemen ay wax ku bartaan 63 arday, Urdun 70 arday, Maleeshiya 20 arday, iyadoo uu cadeeyay in dalalka Suudaan iyo Bangaladheesh ay qorshaha ugu jirto in la geeyo arday Soomaaliyeed.
Bankiga Islaamka oo mashaariic kala duwan ka fuliya dalalka Islaamka ayaan suurtagelin in uu barnaamijyo horumarineed ka fuliyo Koonfurta Soomaaliya sababo la xiriira xagga amaanka, inkastoo uu mashaariic kala duwan uu ka hirgeliyay deegaanadda Puntland iyo Somaliland.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
- Ardayda Jaamacadaha Muqdisho oo urur sameystay, 2011/08/05
- Guddoomiyaha bankiga horumarinta Afrika oo ka hadlay Soomaaliya, 2011/08/02
- Ardayda Buule-barde oo amarro lagu soo rogay, 2011/02/09
- Yemen: Arday Soomaaliyeed oo shahaadooyin qaadatay, 2010/12/18
- Ardayda Soomaalida oo ku xanniban xerada Al Kharaz, 2010/11/29
