7 ku Dhimatay dagaaladda Muqdisho
Muqdisho:Bar-kulan-Ugu yaraan 7 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 36 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo shalay iyo xalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka magaaladda Muqdisho.
Wararku waxay sheegayaan in dagaaladda iyo duqeymaha ay ka dhacayeen degmooyinka Cabdulcasiis, Boondheere, Howl-wadaag iyo Hodan, kuwaasoo u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Amisom oo garab siinaya dowladda iyo Maleeshiyaadka Al Shabaab.
Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ah Cali Muuse sheekh ayaa sheegay in dhaawacyadda ugu badan ay ka qaadeen agagaarka Suuqa Bakaaraha, Xaafaddaha Tookiyo, deegaanka Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid iyo degmada Xamar Jajab.
Madfac ku dhacay agagaarka Xarunta Shirkadda Dahabshiil ee suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu sababay geeridda mid ka mid ah shaqaalaha Shirkadaas iyo dhaawaca tiro kale oo dad ah.
Dagaalada iyo duqeymaha oo xalay si xoogan uga dhacayey Magaalada Muqdishu ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay dhinacyadda ay iska soo horjeeda.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Sh. Cabdirisaaq Maxamed Qaylow ayaa sheegay in ciidamadda Dowladu ay horumar ka sameeyeen aaga dagaalka ee degmada Cabdulcasiis, isagoo intaas ku daray in ay jab culus u geysteen maleeshiyaadka Al Shabaab dagaal ka dhacay degmada Howl-wadaag.
Waxaa sidoo kale guulo dagaalkaas ka sheegtay Afhayeen Shabaabka u qaabilsan dagaalada Cabdulcasiis Abu Muscab isagoo tilmaamay in ay goobo hor leh ka qabsadeen ciidamadda dowladda.
Ma jirto illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinca ee ay dirirtu ka dhaxeyso.
Dagaaladaan oo Todobaadkii Sadexaad oo xiriir ah ka socda ayaa sababay khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray dadka rayidka ee ku nool degmooyinka dagaaladu saameeynta ku yeesheen ee Magaalada Muqdisho.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
