Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Xaaladda Amaanka Baydhabo oo sii Xumaanaysa

Baydhabo:Bar-kulan-Xaalad ammaan darro ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo kadib markii ay beryahan soo badatay dhac loo geysanayo xarrumaha ganacsiga ee ku yaala xaafadaha magaaladda Baydhabo, iyadoo sidoo kalena la soo sheegayo in kooxo ku hubeysan bastoolado ay xiliyadii habeenka telefoonada gacanta ka dhacaan dadka shacabka ah.

Kooxaha ku hubeysan bastooladaha ayaa looga shakiyey inay yihiin maleeshiyaadka Al Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka telefoonadda gacanta laga qaatay, isagoo intaasi raaciyey in kooxaha hubeysan ay madaxa ku soo xidhaan cimaamado.

Dhaca loo geysanayo telefoonadda gacanta ayaa ah mid xiligaan ka jira magaaladda Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay, iyadoo dadka magaaladda ay ka cabsanayaan inay ka hadlaan ammaan xumada ka jirta magaaladda, ururka Al Shabaabna aysan wax ka qaban ammaan xumada ku soo korodhay magaaladda.

Nin dhalinyara ah oo magaciisa ku soo koobay Nuure ayaa waxa uu sheegay in habeenimadii xalay looga qaatay agagaarka huteelka sare ee magaaladda telefoon gacanta ah, halkaasoo aan wax badan u jirin saldhig ay maamulka Al Shabaab ku leeyihiin magaaladda Baydhabo.

Amni xummada ka jirta magaaladda Baydhabo ayaa ku soo aadeysa xilli maamulka Al Shabaab ee gobolka Baay uu sheegay inay sugeen amniga gobolka, balse dhacdooyinkaan isi soo taraya ee ka dhacaya bartamaha magaaladda Baydhabo ayaa meesha ka saaraya amniga ay sheegayaan ururka Al Shabaab.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Amar lagu soo rogay Dugsiyada Baydhabo, 2010/09/15
  2. 33 qof oo Xabsiga Baydhabo la galiyay, 2010/09/11
  3. Amniga Baydhabo oo cabasho laga muujiyay, 2010/09/07
  4. Dumar Iibiya Qaad oo Baydhabo Lagu Xiray, 2010/07/11
  5. Sheekh Cali Dheere oo la hadlay reer Baydhabo, 2010/06/20

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal