Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda oo Shir Jaraa’id Qabtay
Muqdisho:Bar-kulan-Wasiirka Jaaliyadaha ee Dowladda KMG ee Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Azhari oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dad badan oo Soomali ah ay ku jiraan xabsiyo dalal shisheeye kadib markii ay ka qaxeen dagaaladda iyo dhibaatada ka jirta dalka.
Wasiirka Jaaliyadaha ayaa wuxuu sheegay in ay ka mid yihiin dalalka ay dadka Soomaalida ku xiran yihiin Namibiya, Angola, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo Afrikaan ah, wuxuuna sabab uga dhigay xariga dadkaas Soomaaliyeed iyagoo rabay inay safraan dukumiinti la’aan.
Wasiirka Jaaliyadaha ee Dowladda KMG Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Azhari, wuxuu uu intaa raaciyey in sidoo kale dadka Soomaalida ay ku dhibaateysan yihiin dalal ka tirsan wadamadda Yurub oo ay ka mid yihiin Giriiga, Malta, Talyaaniga iyo qaar kale, wuxuuna waaladiinta Soomaaliyeed uga digay in ay ka joojiyaan carruurta tahriibka oo uu sheegay in dhibaato badan lagala kulmi karo.
Wasiirku wuxuu u soo jeediyay Jaaliyadaha dibedda inay u istaagaan sidii ay ugu gargaari lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo intaasi raaciyey in ay muhiim tahay ka-qeyb qaadashada deminta dhibaatada socota, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada.
Wasiirka Jaaliyadaha ee Dowladda KMG ah C/llaahi Maxamed Azhari, oo ka warbixinayey safaro uu ku soo kala bixiyay dalal caalamka ka tirsan ayaa wuxuu ammaan u soo jeediyay Jaaliyadda Soomaalida ee ka dhisan Dalka Koonfur Afrika oo uu sheegay in ay gacan ka geystaan sidii wax loogu qaban lahaa Soomaalida dhibaatooyinka la kulanta, waxaa kaloo uu ammaan u jeediayay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Giriiga, inkastoo uu tilmaamay in Jaaliyadaha dalalka Ingiriiska iyo Holand ay ilaa xad fiican yihiin balse la doonayo inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iyadoo Jaaliyadda Soomaalida ee Waqooyiga Ameerika uu sheegay in dadaalkoodu uu hooseeyo balse niyad ahaan ay wanaagsan yihiin, wuxuuna ku booriyey dhamaan Jaaaliyadaha Soomaalida ee dibedaha in ay midoobaan oo ay ilaaliyaan dhaqanka, diinta, caaddada iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
- Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay (Sawirro), 2011/08/23
- Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo Muqdisho tegay, 2011/08/23
- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay macluusha deegaannada Shabaab, 2011/07/25
- Wasiirka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi, 2011/01/14
- Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraaid qabtay., 2010/04/24
