Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Wafdiga FIFA oo Gaaray Mareykanka

Bar-kulan—Wafdiga kormeerka FIFA ayaa gaaray dalka Mareykanka si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan qaabka ay America  ugu diyaar garoobeen qabashada ciyaaraha aduunka ee 2018 iyo 2022.

Harold Mayne-Nicholls, oo ah Gudoomiyaha xiriirka k/cagta ee Chile Football Association, isla markaana wafdiga FIFA hogaaminaya, ayaa waxaa ku wehliyay socdaalkiisa Danny Jordaan, oo ahaa madaxii qaban qaabada koobkii aduunka ee South African lagu soo gabagabeeyay sanadkaan. Waxaa kaloo ku jira Juergen Muller, Wolfgang Eichler oo saxaafada FIFA u qaabilsan, David Fowler oo suuq geynta FIFA u qaabilsan iyo Julio Avellar oo tartamada FIFA u qaabilsan.

5 ka mid ah 18ka magaalo ee mareykanku ugu talagalay qabashada koobka aduunka ayeey wafdigaasi booqan doonan todobaadkaan, waxaana laga bilaabi doonaa New York iyo New Jersey waxaana lagu soo gabagabeyn doonaa Houston.

24 ka nin ee ugu sareysay FIFA ee ah ragga gaara go’aamada kama danbeysta ah ayaa waxey 2 Dec. dooran doonaan marka ay Zurich ku kulmaan wadanka martigalinaya dhacdada aduunka ee 2018 iyo kan kale ee 2022.

England, Russia, Spain-Portugal iyo Belgium-Netherlands ayaa waxey isku heystaan qabashada koobka aduunka ee 2018ka.

Australia, Japan, South Korea iyo Qatar ayaa isku heysta qabashada koobka aduunka ee 2022.

8 cod oo ka mid ah 24-ka nine e codka bixinaya waxey ka yimaadeen yurub, waana sababta ay dalal badan u diideen iney u tartamaan qabashada ciyaaraha 2018ka maxaa yeelay dhacdada 2018 waxey u badan tahay in yurub lagu qaban doono.

Koobka aduunka ee soo socoda ee 2014 waxaa lagu qaban doonaa Brazil.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Hyundai-Kia oo maalgalin doonta FIFA, 2010/11/25
  2. FIFA oo baareysa laaluushka hareeyay koobka aduunka, 2010/11/17
  3. FIFA oo system-kii ticket-da uu ka qarimay, 2010/05/30
  4. Soomaaliya oo kor u kac ka sameysay qiimeynta FIFA., 2010/05/27
  5. FIFA oo maalgalin ka heshay Shirkada ugu weyn Brazil, 2010/03/23

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal