UNHCR oo ka hadashay dagaalada Muqdisho
Bar-kulan: Baydhabo- Warbixin ay maanta ka soo baxday xafiiska hay,adda qaramada midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ku leedahay magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa lagu sheegay in 230 qof ay ku dhinteen dagaaladii labadii todobaad ee ugu danbeeyey magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dawlada ku meel gaarka oo ay garsiinayeen ciidamada nabad ilaalinta ee Amison iyo maleeshiyaadka dawlada ka soo horjeeda.
Haweeneyda hay,adda UNHCR ka afhayeenka u ah Melissa Fleming ayaa sheegtay in ay dhicikarto in xaaladu sida ay haatan tahay ka sii xumaato haddii bulshada caalamku aysan ilgooni ah ku eegin dhibaatooyinka ka socoda magaalada Muqdisho.
Haweeynedaasi ayaa sidoo kale sheegtay in dagaaladii labadii todobaad ee ugu danbeeyey ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhaawacmeen 400 oo qof.
Dagaalada ka socoda magaalada Muqdisho ayey hay,adda UNHCR ay sido kale ku sheegay in sanadkan kaliya ay ku barokaceen ilaa iyo 200,000 oo qof kuwaas oo haatan ku biiray dadkii horaan ugu suganaa deeganada ay ku sugan yihiin barokacayaashu xaga qaar ka mid ahna ay u suurto gashay in ay soo gaaraan xeerooyinka qaxooti ee ku yaala wadamada dariska la ah Soomaaliya.
Dagaaladan haatan ka socoda magaaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ay ku baaqeen maleeshiyaadka dawladda ka soo horjeeda wakhti lagu jiro bish ramadaan ee barakeysan iyadoo dagaaladani ay khaasaraha ugu badan uu gaaro dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay dagaaladu ka dhacaan.
Wararka.
Warbixinada la Xiriira:
