Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Maradona oo dhalasho ku dhigan doona Napoli

Bar-kulan—Diego Maradona ayaa doonaya ciyaar uu ugu dabaaldagayo da’da 50 sano jirka inuu bisha soo socota ku ciyaaro  magaalada Napoli gaar ahaan kooxda Napoli oo ah kooxdii uu horyaalada u qaaday , ciyaartaasi waxey ka dhici doontaa San Paolo stadium.

Maradona wuxuu u sheegay Gazzetta dello Sport  inuu dib ugu soo laaban doono magaalada Napoli oo ay halkaasi ku wada ciyaari doonaan ciyaartoydii ay kooxdaasi u wada ciyaari jireen si dhalashadiisa loogu maamuuso.

Maradona wuxuu 30-ka October ay dadiisu noqon doontaa 50 sano jir. Kooxda u qaban qaabineysa munaasabada ciyaartaasi ee Napoli wuxuu u qaaday 2 horyaal oo Serie A ah gaar ahaan sanadihii 1987 iyo 1990 iyo 1989 oo uu u qaaday koobka UEFA Cup.

Maradona wuxuu weydiistay qaar ka mid ah xiddigihii ay u wada ciyaari jireen kooxda Napoli oo uu ku jiro Salvatore Bagni iney munaasabadaasi u agaasimaan.

Maradona tan iyo markii laga qaaday xilkii macalinimo ee Argentina wax shaqo ah ma hayo.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Maradona oo kula taliyay Aguero inuu ku biiro Manchester City, 2011/07/14
  2. Maradona oo ka heesi doona China, 2010/09/20
  3. Maradona oo wali aamusan, 2010/07/20
  4. Maradona oo dhar la’aan ordi doona hadii Argentina …., 2010/05/27
  5. Maradona oo weeraray Valdano, 2010/02/22

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal