Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Mahiga oo la Kulmay Madaxweyne Shariif

Muqdisho:Bar-kulan-Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay xarunta madaxtooyada wadahal kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Agustine Mahiga kaasoo safar aan horey loo shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilka waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda  iyo gargaarka bani’aadanimo ee Soomaliya, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu tafaasiil ka bixiyay xaaladda Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay muhiimad gaar ah inay leedahay iskaashiga u dhaxeeya dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, isagoo intaa raaciyey in ay sii wadi doonaan booqashooyinka ay ku imaanayaan  Soomaaliya, wadahadalka iyo is- xogwareysiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in uu aad  ugu faraxsanahay in danjire Mahiga uu Mogadishu dib ugu soo laabtay kadib booqashadii uu todobadkii  hore  isagoo la socday Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM, Lynn Pascoe ay ku yimaadeen Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaliya wuxuu ku tilmaamay kulanka ay yeesheen isaga iyo danjire Mahiga in uu ahaa  mid mira dhal ah, wuxuu intaa raaciyay  in uu hubo in xogta iyo tusaalooyinka ay bixisay dawladda Soomaaliya ay wax ka tari doonto kulamada looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee lagu qaban doono dabayaaqada bishan wadamada Spain iyo Mareykanka.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Madaxweyne Shariif oo Muqdisho kula kulmay Jerry Rawlings, 2012/01/25
  2. Mahiga oo kormeeraya xafiisyada QM ay ka degayso Muqdisho, 2012/01/17
  3. Mahiga oo wasiirka ka tirsan dowladda Jabuuti kala hadlay arrimaha Soomaaliya, 2011/06/19
  4. Mahiga oo Muqdisho kula kulmay madaxda DKMG, 2011/03/31
  5. Mahiga oo Muqdisho kula kulmay 2da Shariif, 2010/10/27

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal