Iimaamyada Muqdisho iyo Maamulka Banaadir
Muqdisho:Bar-kulan-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan, oo kulan la qaatay maanta Iimaamyada masaajida Muqdisho, ayaa sheegay in uu ku baraarujiyay Imaamyada in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii dadka loo fahamsiin lahaa fikradaha qaldan ee dhalinyarada lagu marin habaabinayo.
Wuxuu u sheegay culumadii uu la kulmay in maamulka gobolka ay si weyn u suluugsan yihiin in doorkii culumada Soomaaliyeed ee wacyigalinta bulshada uu aad u hooseeyo.
Guddoomiyaha gobolka Banadir waxa uu sheegay in iyadoo lagu qaraabanyo magaca diinta islaamka ummadda la barakciyay, la laayay, wuxuuna ku dhiirigaliyay in loo istaago sidii meesha looga saari lahaa fikradaha qaldan.
Wuxuu inta aku daray in shacabka Muqdisho ku nool ay yihiin dad lagu qasbay dagaalka oo aysan raali ka aheyn, wuxuuna sheegay in imaamyada masaajidada looga fadhiyo in ay is-abaabulaan oo ay ka qeyb qaataan sidii looga hortagi lahaa in masaajida lagu soo abaabulo falal dadka lagu waxyeeleynayo.
Bar-kulan, Muqdisho
Warbixinada la Xiriira:
- Maamulka gobolka Banaadir oo duugaya waddooyin dhufeyso laga qotay, 2011/06/05
- Maamulka gobolka Banaadir oo dayactir dib u billaabaya, 2011/02/04
- Guddiga dastuurka oo kulan la yeeshay bulshada iyo maamulka gobolka Banaadir, 2011/02/03
- Khilaafka Baarlamaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, 2010/10/27
- Maamulka Banaadir iyo Odayaasha Hawiye oo kulmay, 2010/07/17
