Diyaargarowga Ciidda ee Burco
Burco:Bar-kulan-Suuqyada magaaladda Burco ee gobolka Togdheer ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan maalinta Ciidul Fidriga ee fooda inagu soo heysa.
Suuqyada gacansiga gaar ahaa kuwa dharka ee magaaladda Burco ayaa waxaa aad u buux dhaafiyay dadweyne fara badan kuwaasoo iibsanaya dharka si ay ugu diyaar garoobaan maalinta Ciida.
Qaar ka mid ah dadweynaha magaaladda Burco oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay inay aad ugu diyaar garoobeen maalinta Ciidul Fidriga, balse waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin qiima dhaca ku yimid sarifka lacagaha qalaad xilli uu sara kac ku yimid qiimaha la kala siisto dharka iyo raashinka.
Dadweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada sariflayaasha ah inay wax ka badalaan qiima dhaca ku yimid lacagaha sarifka doolarka iyadoo la tixgelinayo bisha barakeysan ee Ramadaan iyo diyaargarowga Ciidul Fidriga.
Dhinaca kale shirkadaha xawaaladaha magaaladda Burco ayaa kordhiyey waqtiga shaqada ee shirkaddaha xawaaladaha iyagoo gaarsiiyey ilaa iyo 10-ka habeenimo si ay bulshada uga faa’iideysato waqtiga Ciida si ay u helaan lacagaha dibadaha looga soo diro.
Diyaargarowga Ciidul Fidriga ee dadweynaha magaaladda Burco ayaa ku beegmeysa xilli is-bedel siyaasadeed uu ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliland.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
