Dagaalada Muqdisho oo Qaboobay
Muqdisho:Bar-kulan-Dagaaladii qaraaraa ee shalay galab ilaa saakay ka socday qeybo ka mid ah Muqdisho, ayaa galabta yara qaboobay, kadib markii qasaare xoogan ay ka dhasheen.
Dagaalada ka dhacay Muqdisho 24kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof oo rayid ah iyadoo dhaawacyada la gaayey isbitaalka Madiina ay kor u dhaafayaan 35 qof oo qaarkooda dhaawacyo halis ah qaba.
Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in ciidamada dowladda ay awood u yeesheen in ay dib u waabiyaan maleeshiyaadka Shabaab oo weeraro ku soo qaaday ciidanka dowladda ee ku sugan qaybo ka mid ah Boondheere iyo C/casiis.
Maleeshiyaadka Shabaab oo dagaal ay ugu magac dareen dabar goynta dadka soo duulay muddo 15 maalmood ah ka waday Muqdisho, ayaa ku guul daraystay in ay gaaraan ujeedadii ay dagaalada u iclaamiyeen.
Culumaa’udiinka Soomaaliya iyo qaybaha kale ee waxgaradka ayaa ugu baaqay horjoogayaasha maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam inay joojiyaan dagaalada oo aan sal ku laheyn diinta Islaamka.
Bar-kulan,Muqdisho
Warbixinada la Xiriira:
- Madaxweyne Sh. Shariif oo dagaalada Muqdisho ka hadlay, 2011/02/25
- 11 qof oo ku geeriyootay dagaalo Muqdisho ka dhacay, 2010/11/30
- Dagaaladii Muqdisho oo qof ku dhintay 5na ku dhaawacantay, 2010/10/14
- Dad ku dhintay dagaalada Muqdisho, 2010/10/04
- Dawladda oo Guula ka Gaartay Dagaalada Muqdisho, 2010/07/01
