Dad ku dhintay duqeymo ka Dhacay Muqdisho
Bar-kulan: Muqdisho- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay saddex iyo toban kalana way ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeyo culus oo xalay ka dhacay degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamada dawladda oo ay garab siinayeen ciidamada nabad ilaalinta Amison iyo maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.
Dagaaladaasi oo ahaa kuwo xoogan ayaa ka dhacay degmooyinka Bondheere, Shibis, Cabdicasiis, Hawl-wadaag iyo Hodan iyadoo dagaaladaasi ay dhinca socdeen madaafiic ay isku adeegsanayeen dhincayada ay diirirtu u dhaxaysey kuwaas oo khasaare ku geystay meel ka baxsan goobihii ay dagaaladaasi ka socdeen.
Madaafiica ku dhacay degmada Huriwaa ayaa sababtay daawac ugu yaraan 10 qof oo rayid ah sida Bar-kulan ay u xaqiijiyeen dadka degaanku iyadoo wararka aanu ka helenyno degmada Shangaani ay sheegayaan in tiro hoobiyaal ah oo halkaasi ku dhacay ay geysteen dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex kale oo ka mid ah dad degmadaasi ku soo barokacay.
Isgoyska Hawl-wadagaa ayaa sidoo kale habeenimadii xalay lagu arkayey meyka nin rayid oo madafac halkaasi ku dhacay ku geerooyooday.
Dagaaldaasi aya qayb ka ah weeraro joogto ah oo ay maleeshiyaadka Alshabab ay inta badan ku soo qaadaan ciidmada dawladda iyadoo ay dagalaadaasi ay geysteen khasaarooyin badan oo soo gaadha rayidka ku sugan goobaha ay dagaaladaasi ka dhacaan.
Bar-kulan.
Wararka Muqdisho.
Warbixinada la Xiriira:
