Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Booliiska Boosaaso oo walxaha qarxa soo saaray

Bar-kulan: Boosaaso- Ciidamada booliska ee maamulka Puntland ayaa soo bandhigay walxaha qarax oo lagu aasay waddada rafka ah ee loo maro deegaanka buuralaydka ah ee Galgala, halkaas oo ay ka soo saareen ciidamada daraawiishta Puntland oo socod ku marayey wadadaasi.

Taliye ku xigeenka booliska Puntland Maxamed Saciid Jaqanaf oo shirjaraa’id ku qabtay xarunta saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay walxahaasi qarxa oo gacan ku samaysa ah, iyadoo muuqaal ahaan u dhignaa biro aad loo jarjaray oo ay ka mid ahayeen noocyada dhismaha shubka loo isticmaalo, boolal iyo biraha gaadiidka oo la isugu geeyey haan yar oo oksajiinka loo isticmaalo.

Waxyaabaasi qarxa oo u muuqday kuwo lagu farsameeyey hab sida miinada ah ayaa halis ku hayey ciidamada Puntland iyo shacabka wadadaasi isticmaala.

Taliye ku xigeenka booliska Puntland Maxamed Saciid ayaa ku sheegay waxyaabahaasi qarxa inay yihiin kuwii ugu culusaa oo ay soo heelaan ciidamada booliska ee maamulka Puntland.

Miinadaasi gacan ku samayska ah ayaa taliyuhu ku sheegay mid lagu farsameeyey gudaha Puntland wuxuuna ku eedeyey in ay wadada ku aaseen dad cadow ah oo diidan nabadda ka jirta Puntland, wuxuuna sheegay inay miino baar xoogan ku hayaan wadooyinka rafka ah ee ay ciidamada maamulku isticmaalaa ee loo maro deeganka Galgala iyo Madarshoon oo ah dhulka haatan ay ciidamadaasi ka wadaan hawlgalo kadhan ah maleeshiyaadka taageersan wadaadka la yiraahdo Sheekh Maxamed Saciid Attam.

Tahiye ku xigeenka booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ku sheegay habka waxyeelooyinka ay gaysan karaan qaraxyada noocaasi in looga hortagi karo oo kaliya in bulshadu ay la shaqeeyaan ciidamada booliska ee hawlgaladda ammniga deegaanadaasi ka wada.

Tan iyo markii ay dagaaladu ka dhaceen deeganka Galgala ayaa la sheegayaa in ay deegaankaasi ku sii kordheen halista miinooyinka ee lagu aasayo wadooyinka loo maro deeganka Galgala oo ay si aad ah u istamalaan haatan ciidamada maamulka Puntland oo weli hawlgaladaasi halkaasi ka wada.

Bar-kulan.

Wararka Boosaaso.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Muqdisho lagu qabtay, 2011/11/16
  2. Gaari walxaha qarxa ka buuxa oo lagu qabtay Muqdisho, 2011/11/16
  3. Ciidamada DKMG oo qabtay gaari-dameer walxaha qarxa lagu soo raray, 2011/09/23
  4. Maamulka Puntland oo war-saxaafadeed soo saaray, 2011/07/28
  5. Boosaaso: Madaxdii Puntland oo Galgala ka soo noqday, 2010/11/05

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal