Amniga Baydhabo oo cabasho laga muujiyay
Bar-kulan: Baydhabo- Maalmihii ugu dambeeyey ayaa lagu soo warmayaa in ammaan daro laga dareemayay magaalada Baydhabo ee xarunta gaobolka Bay iyadoo shacabka ku dhaqan magaaladaasi ay arintaasi cabashooyin badan ka sheeganayaan.
Ammaadaradaasi ayaa ah mid inta badan dhacda wakhtiga habeenkii iyadoo rag ku hubeysani bistoolado ay dhaca u geystaa xarumaha ganacsiga iyo shacabka magaalada xiliyada ay xaafadahooda u sii socodaan.
Dadkaasi dhaca geysanaya ahaa ah kuwo sida maleeshiyaadka magaaladaasi ku labisan oo wajiyadooda soo daboolay sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka moobeelada looga qaadatay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wiil isagu macagiisa ku soo gaabiyey Nuure oo ayaa isaguna sheegay in xalay fiidkii labo moobay oo uu sitay looga qaatay agagaarka huteel sare ee magaalada Baydhabo kaas oo dhowr talaabo u jira saldhiga yaraha magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ka tirsan kuwo magaaladaasi gacanta ku haya.
Ammaadaradan laga soo sheegayo magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmaya xili dadka ku dhaqan magaaladaasi ay isku diyaarinayaa sidii ay munaasabada weyn ee ciida iskugu diyaarinlahayeen balse dadka qaar ay cabsi ka qabaan in kharashaada ay caruurtooda kooxahaasi ay ka dhacaan.
Baydhabo.
Wararka Baydhabo.
Warbixinada la Xiriira:
