12 Darawal oo lagu xiray Kampala
Kampala:Bar-kulan-12 qof oo Soomaali ah oo ka mid ah darawalada takaasida ka shaqeeya magaalada Kambala ee dalka Uganda, ayaa xabisga la dhigay kadib markii la waayay dad Soomaali ah oo ay ka soo qaadeen garoonka Entebbe ee Kampala.
12kaan darawal oo qaarkooda weli ku jira xabsiyada, ayaa sheegay in ciidamada booliska Uganda ay su’aalo joogto ah weydiinayaan, kadib markii la garan waayey jaan iyo cirib meel ay dhigeen dadk Soomaali ah oo ay ka soo damiinteen garoonka diyaaradaha.
Shiine Cali Xoogsade oo ka mid ah takaasileyda ka shaqeysa Kampala, ayaa xusay in dhibaatada ugu weyn ay tahay marka ay caawiyaan qof Soomaali ah oo ku xayiran garoonka diyaaraha uu sahal uga dhuunto kadibna iyaga loo raacdo.
Dowladda Uganda, ayaa xoojisay habka sharciga ah ee ay dadka Somalida ah ku galaan Kampala.
Tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyadii 11kii Julay lala beegsaday magaalada Kambala, ayaa waxa soconayay dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu cuuryaamiyo weeraro ay maleeshiyaadka Shabaab ka geeysanayaan gudaha Kambala.
Bar-kulan, Kampala
Warbixinada la Xiriira:
