Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Van Nistelrooy booska 3aad doonaya

Bar-kulan—Markii uu dhaafay recordkii gool dhalinta ee uu sameeyay Johan Cruyff ee list gool dhalinta xulka Netherlands u yaalay, ayuu hada Ruud van Nistelrooy wuxuu doonayaa inuu noqdo ciyaaryahanka 3aad ee ugu goolasha badan xulkaasi marka uu talaada Finland la ciyaaro isreebreebka 2012 Euro.

Hadii uu gool ka dhaliyo Rotterdam habeenka talaada ah wuxuu soo bareejeyn doonaa record uu heysto Faas Wilkes oo leh 35 gool wuxuuna 2 gool ka hooseyn doonaa Dennis Bergkamp oo leh 37 gool.

Weeraryahankii hore ee xulkaasi Patrick Kluivert, ayaa ah ciyaaryahanka heysta tirada gool dhalinta xulka wuxuuna ku heystaa 40 gool.

Finland waxey iska ilaalineysaa iney gooldaradii 2aad ku dhacdo taasoo ka soo gaarta isreebreebka Euro 2012 maxaa yeelay jimcihii waxaa looga badiyay 2-0 .

Van Nistelrooy wuxuu aaminsanaa inuu dhamaaday mustaqbalkiisii ciyaaraha caalamiga ah markii uu jilibka ka dhaawacmay tartankii Euro 2008, laakiin markii la waayay Robin van Persie ayaa si lama filaan ah waxaa loogu yeeray 34-sano jirkaasi isagoo xulka dib loogu soo laabtay.

Macalin Bert van Marwijk ayuu ka farxiyay markii uu goolkii 5-aad ee ciyaarta uu ka dhaliyay San Marino jimcihii isagoo ciyaarta badal ku soo galay.

Van Nistelrooy waxaa laga yaabaa in mar kale kursiga keydka lagu bilaabo. Iyadoo booskiisa uu ka ciyaari doono Klaas-Jan Huntelaar, oo dhawaan Schalke ku biiray markii uu ka soo tagay AC Milan, kaasoo 3 gool dhaliyay kulankii dhawaa.

Hadii ay badiso kulanka talaada the Netherland waxey dhigi doontaa record cusub oo xaga badiska ah oo ah in aan laga badin 12 kulan oo ay gurigeeda ku ciyaartay. Horey record kaasi waxey u dhigtay 1950.

Sunni Said Salah

Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Ruud Van Nistelrooy oo mar kale Spain ka ciyaari doona, 2011/06/02
  2. Man United oo markii 3aad bareejo gashay, 2010/10/16
  3. Bayern Munich oo la heshiisay Van Gaal, 2010/09/27
  4. Ciyaaryahankii 3aad oo ka tagay Greece, 2010/09/11
  5. Isreebreebka Euro 2012, 2010/09/04

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal