Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Shabaab oo Canshuur ku soo rogay Gadiidka ..

Muqdisho:Bar-kulan-Milkiilayaasha iyo Darawalada gaadiidka dadweynaha ee magaalada Baydhaba ayaa cabasho ka muujiyay lacago dheeraad ah oo canshuur ah oo ay ku soo rogeen maleeshiyaadka Shabaab ee heysta magaalada madaxda gobolka Bay ee Baydhaba.

Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shabaab ayaa shalay ku dhawaaqay in gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya xaafadaha Baydhabo laga doonayo in ay bixiyaan maalin walba boqol kun oo Shillina Soomaaliya ah.

Abuukar Xasan Mahdi oo ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka Baydhaba ka dhex shaqeeya, ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagta boqolka kun ah, sababo la xariira lacagaha ay ka helayaan gaadiidka oo aan ku filneyn shidaalka gaariga, qoysaska ku tiirsan gaariga iyo keydka uu gaarigu u baahan yahay.

Wuxuu sheegay oo kale in ay kala hadli doonaan maleeshiyaadka Shabaab Canshuurta cusub ee ay soo rogeen, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay sida ay ku sii shaqeyn doonaan gaadiidka dadweynaha haddii maleeshiyaadka Shabaab ay ku adkeystaan canshuurtaan cusub.

Go’aanka Canshuurta ee lagu so rogay gaadiidka dadweynaha ee Baydhab, ayaa yimid xilli ay hoos u sii dhacayaan dhaqaalihii ay heli jireen maleeshiyaadka dagaalada ka wado qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Bar-kulan, Baydhabo

Warbixinada la Xiriira:

  1. Gaadiidleyda Kismaayo oo amarro lagu soo rogay, 2011/06/01
  2. Shabaab oo bandow ku soo rogay Bu’aale, 2011/05/01
  3. Canshuur lagu soo Rogay Guryaha Kismaayo, 2010/10/03
  4. Lacagta Gadiidka Muqdisho oo korartay, 2010/09/14
  5. Shabaab oo amaro ku soo rogay gaadiidka gacansiga…, 2010/07/17

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal