Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Botswana oo Taariikh dhigi doonta

Bar-kulan Botswana ayaa doonaya in markii ugu horeysay ay soo xaadiraan ciyaaraha koobka qaramada Africa ee African Cup of Nations iyadoo dagaal la gali doonta Cameroon, Ivory Coast iyo South Africa oo wada badiyay dhamaan kulamadii ugu horeeyay ee isreebreebka 2012 tartanka lagu qaban doono Gabon and Equatorial Guinea.

Xulka Botswana waxaa lagu naaneysaa the Zebras, waxey sabtidii lagu baraarugay iyagoo 2-1 kaga badiyay Togo isla markaana 6 dhibcood ku horboodaya Group K.

Botswana hal kulan oo kaliyaha ayeey ka badisay isreebreekii koobkii ugu horeeyay ee Africa ah oo ay ka soo qeybgasho 2002 waxeyna ku dhameysatay halka ugu hooseysa groupkeeda.

Botswana waxey hogaankeeda adkeysatay markii Tunisia, oo horyaalnimada Africa noqotay 2004 ay 2-2 la gashay Malawi sabtidii.

Botswana oo 5 xul oo kale ay isku group yihiin ayaa waxey ku hogaaminee group-keeda 10 dhibcood 4 kulan oo ay ciyaartay. Tunisia oo ku soo xigta waxey leedahay 4 dhibcood laakiin kulan ayaa u haray.

Tartanka 2012 waxaa si toos ah ugu qeybgali doona 3da xul ee ugu sareeysa 10ka  group ee isrebreebkaasi uu ka kooban yahay.

Tartanka 2012 African Cup of Nations waxaa la rabaa iney ka qeybgalaan 14 xul.

132-kulan oo ay ciyaarayaan 44 xul, ayaa waxaa loo qeybiyay 11 group wuxuuna isreebreebka koobkaan soo idlaan doonaa October 2011.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Montenegro oo taariikh ku dhigtay England, 2010/10/13
  2. Ciyaarihii Qaaradda Africa ee xalay, 2010/10/10
  3. Kabihii Tshabalala oo taariikh noqday, 2010/07/21
  4. Uruguay iyo Mexico oo u soo baxay w 16-ka, 2010/06/22
  5. Nin Soomaaliya oo lagu maxakamadaynayo Botswana., 2010/04/21

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal