7 Wasiir oo la hadlay Saxaafadda Somaliland
Muqdisho:Bar-kulan-7 ka tirsan Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay taariikhda Somaliland si furan oo wadajir ah warbaahinta Soomaaliland ugula hadlay dadka.
7daan Wasiir oo ay ka mid ah ahaayeen wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Max’ed Cabdi Gabose, Wasiirka Maaliyadda Eng. Max’ed Xaashi Cilmi, ayaa warbaahinta u madax bannaaneeyay in ay weydiiyaan su’aalo walba oo ay doonayeen.
Wasiirka warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan Geeljire, oo ugu horeyn warbaahinta u faahfaahiyey qorshayaasha dhaw ee ay ku tala jirto wasaaradiisu, ayaa sheegay in ay dib ula noqon doonaan xeerka warbaahinta ee xukuumaddii hore u gudbisay Baarlamaanka Somali-land.
Geeljire, ayaa xusay in ay ururada saxaafadda Somaliland, quburada Saxaafadda Somaliland iyo Wasaaradda Warfaafinta ay iska kaashan doonaan sidii loo soo bandhigi lahaa xeer warbaahineed oo cusub.
Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Max’ed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in guddigii nabad galyada ee horey ugu jiray Somaliland uu ahaa mid ku dhisnaa hab sharci daro ah, wuxuuna xusay in guddigaasi ay awood u lahaayeen in qofka la xiro muddo dheer iyadoo maxkaamd aysan ku cadeyn dambiyada loo haysto.
Dr. Gaboose, ayaa ballaan qaaday in Wasaradda Arrimaha gudaha ay noqon doonto mid ku shaqeyso qorshe dagan, oo cad.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliland Eng. Max’ed Xaashi Cilmi ayaa tilmaamay in ay hab qorsheysan ay ku howl gali doonto wasaaradiisu, isagoo sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii Ummadda Soomaaliland ay uga madax bannaanaan lahaayeen deymo fara badan oo ay xukuumaddii hore uga tagtay.
Warbahinta Somaliland oo dhawaanahaan dhaliilo u jeedineysay xubnaha ay ku kooban tahay xukuumadda uu soo magacaabay Siilaanyo, ayaa wasiirada weydiiyay su’aalo aysan wasiirada qaar jecleysan oo si toos ah u taabaneyay arrimo lagu xaglinayay wasiirada qaar.
Bar-kulan, Hargeysa
Warbixinada la Xiriira:
