Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Tunisia oo dhaafi weysay Malawi

Bar-kulan—Iso Kanyenda ayaa dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay goolkii bareejada ahaa oo ahaa mid rigoore ah Malawi isla markaana ciyaartii ka dhigtay 2-2 ay la galeen Tunisia oo ay wada ciyaareeb kulan ka tirsan isreebreebka 2012 African Cup of Nations.

Issam Jemaa ayaa 2da gool u wada dhaliyay Tunisia daqiiqadihii 11aad iyo 26aad isagoo tirada goolashiisa caalamiga ah ka dhigtay 21 gool 51 kulan oo uu ciyaaray.

Botswana ayaa hogaanka u heysa Group K waxeyna aruursatay 10 dhibcood 4 kulan oo ay ciyaartay markii ay xalay 2-1 kaga badisay Togo.

Tunisia waxey ku jirtaa 2aad waxeyna leedahay 4 dhibcood, laakiin waxaa u harsan hal kulan.

Tunisia, 2004 ayeey qaadatay koobka African Cup, kulankii ugu horeeyay ee isreebreebka waxey 1-0 qasaaro ah kala hoyaaday Botswana.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. United oo dhaafi weysay Valencia, 2010/12/08
  2. Ciyaarihii Qaaradda Africa ee xalay, 2010/10/10
  3. Man United oo dhaafi weysay Sunderland, 2010/10/02
  4. Botswana oo Taariikh dhigi doonta, 2010/09/06
  5. Italy oo dhaafi weysay Paraguay, 2010/06/15

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal