Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

South Africa oo ka badisay Niger

Bar-kulan—South Africa aya Niger kaga tilaabsatay 2-0 markii ay la ciyaartay kulankeedii ugu horeeyay ee isreebreebka 2012 African Cup of Nations waana kulankii ugu horeeyay ee caalami ah oo uu leyliyo macalinka cusub ee xulkaasi Pitso Mosimane.

Weeraryahanada kala ah Katlego Mphela iyo Bernard Parker ayaa u kala dhaliyay 2da gool xulkaasi, ciyaartaasoo ka dhacday garoonka Mbombela Stadium waxeyna guushaan rajo fiican u tahay Bafana Bafana oo dooneysa iney ka soo baxdo Group G.

South Africa waxey sameysay 13 shots oo goosha ay la tiigsatay halka Niger ay la timid 2 shot oo kaliyaha.

South Africa waxey la ciyaari doontaa Sierra Leone iyo xulka difaacanaya koobka Africa ee Egypt oo ay isku group yihiin.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Armed gangs kill Somali businessman in Eastern Cape, South Africa, 2011/09/14
  2. Armed gangs kill Somali businessman in South Africa, 2011/07/16
  3. Soomaalida lagu dilo South Africa, 2011/04/18
  4. South Africa oo dubatay France, 2010/06/22
  5. South Africa oo qarka u saaran ka haritaanka koobka aduunka, 2010/06/16

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal