Qaxooti Soomaali ah oo ku xayiran Libooye
Ban-kulan:Dhadhaab-In ka badan 120 qof oo qaxooti Soomaali ah oo 8dii Maalmood ee ugu danbeysay ku xayirnaa Magaalada libooy ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa lagu soo waramay in ay dhibaatooyin kala duwan la soo darseen.
Xayiraada Qaxootiga ayaa timid kadib markii uu qilaaf soo kala dhex galay dadka reer libooy iyo hay’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR taasoo sheegtay in dadka reer libooy ay diideen in dadka qaxootiga ah ee halkaa jooga laga soo daad gureeyo oo loo soo wareejiyo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Muranka dhex maray hay’adda iyo dadka deegaanka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanku ay ku hungoobeen lacag ay doonayeen in ay helaan hay’addaasi iyagoo ku andacoonaya in qaxootigaasi ay wax ugu qabteen intii ay deegaankooda joogeen.
Hay’adda ayaa markii hore dadka deegaanka kula heshiisay in dadka qaxootiga ah ay dajiyaan oo baad iyo biyo ay siiyaan tan iyo inta ay xeryaha kale u gudbayaan isla markaana qarashaadkaasi kaga baxa dib loogu celin doono.
Bar-kulan, Libooy
Warbixinada la Xiriira:
- Al-Shabaab oo qaxooti Kenya u socday xirxirtay, 2011/09/15
- UNHCR oo qaxooti Soomaali ah u rartay xerada Ifo labo, 2011/08/17
- Qaxooti Soomaali ah oo ku xayiran xadka Tanzania iyo Mozampique, 2011/07/13
- Qaxooti Soomaali ah oo ku xayiran Mozambique, 2011/03/17
- Qaxooti Soomaali ah oo Dibadbax ka Sameeyay Qaahira, 2010/11/09
