Olole Nadaafadeed oo ka bilowday Somaliland
Hargeysa:Barkulan-Olole Nadaafadeed oo balaaran ayaa maanta ka bilowday degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Ololahaan oo ka bilowday suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Max’ed Siilaanyo, oo u mahadceliyay dadkii ka shaqeynaayay ololahaasi nadaafadeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ololaha nadaafadeed ee ka bilowday 5ta degmo ee ay ka kooban tahay Hargeysa iyo gobolada kale ee Soomaalilandba ay sii socon doonaan si loo hubiyo caafimaadka reer Soomaaliland.
Olole Nuucaan oo kale ah ayaa sidoo kale saakay ka bilowday 26 goobood oo ka tirsan Burco oo ah xarunta gobolka Togdheer, iyadoo ololahaan uu horkacayo Duqa magaalada, Axmed Max’ed Xasan (Dhaga-laab) oo ay weheliyeen qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.
Ololahaan waxaa ka qeyb qaadanaya Hay’ddaha dowladda gaar ahaan Gaadiidka dowladda hoose iyo dadweyne fara badan kuwaasoo ku howlan gurista qashinka yaala gudaha magaalada.
Duqa Burco ayaa sheegay in ololahaan uu qeyb ka yahay olole balaaran oo maanta ka bilowday guud ahaan Soomaaliland, kadib markii baaq uu soo sooray Madaxweynaha Soomaaliland kaasoo sheegay in loo baahan yahay in 45tii cishaba in mar la sameyn doono olole Nadaafadeed.
Bar-kulan, Somaliland
Warbixinada la Xiriira:
