Ivory Coast oo quusisay Rwanda
Bar-kulan—Xiddigaha horyaalka Premier League Yaya Toure, Salomon Kalou iyo Emmanuel Eboue ayaa qeybtii hore kala qaatay goolasha Ivory Coast ay ku niyad jabisay Rwanda oo gaarayay 3-0 markii ay isku arkeen isreebreebka 2012 African Cup of Nations.
Ivory Coast waxey kulankaasi ciyaareysay iyadoo uu ka maqan yahay weraryahanka Chelsea Didier Drogba iyo kan CSKA Moscow Seydou Doumbia.
Eboue, oo maalmahaan ka maqnaa Arsenal, ayaa guusha xulkiisa ay ka gaareyn Group H soo qatimay daqiiqadii 39aad markii kubad uu ka toogtay meel goolka u jirta 25 tilaabo ay gashay shabaqa.
Sunni Said Salah
Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
