Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Haweenka Kismaayo oo shaqo joojin lagu sameeyay

Kismaayo:Bar-kulan-Horjoogaha Maleeshiyaadka Shabaabka Kismaayo Xasan Yacquub, ayaa amar uu soo saaray kaga mamnuucay haweenka magaalada in ay qeyb ka noqdaan shaqaalaha ku howlan dhismayaasha laga dhisayo gudaha magaalada.

Xasan Yacquub, ayaa sheegay in kadib markii loo dhabo galay shaqooyinka ay hayaan dumarka la go’aamiyay in la joojiyo in dumarku ay shaqaale dhisme noqdaan.

Horjoogaha Shabaabka Kismaayo Xasan Yacquub ayaa xusay in maleeshiyaadka Xisbada Kismaayo ay tillaabo adag ka qaadi doonaan haweenkii ka dhaga adeyga fulinta amarkaan.

Ma uusan sheegin sababta dumarka loogu diiday iney howlahaasi qabtaan.

Qaar ka mid ah haweenkaasi oo Bar-kulan la hadlay, ayaa sheegay in ay la yaaban yihiin sababta looga joojiyay shaqooyinkooda iyadoo ay jiraan haween ka ganacsada iibinta jaadka gudaha Kismaayo.

Bar-kulan, Kismaayo

Warbixinada la Xiriira:

  1. Shaqa joojin ay sameeyeen gaadiidleyda dekedda Kismaayo, 2011/12/03
  2. Shaqaalaha dekadda Kismaayo oo shaqo joojin sameeyay, 2010/11/23
  3. Shaqaalaha Dekedda Kismaayo oo La Askareynayo, 2010/10/21
  4. Horjoogaha Shabaab ee Kismaayo oo dib u laabtay, 2010/10/11
  5. Horjoogihii Shabaabka Kismaayo oo baxsaday, 2010/10/11

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal