Dagaalo Muqdisho ka Bilowday
Bar-kulan:Muqdishu-Dagaalo aad u Culus oo u Dhaxeeya Ciidamad Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maanta mar kale ka bilowday muqdisho.
Dagaaladaan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadka Al -shabaab ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen saldhigyada ciidmada milatariga Soomaaliya ay ku lee yihiin degmada Bondheere ee Muqdisho.
Dagaalka oo ayaa wuxuu ka socdaa degmada Boondheere iyo agagaarka hotelkii Jubba balse Shabaabka ayaa iska caabin xoogan kala kulmay ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya , waxaana maleeshiyaadka dib loogu celiyay meelihii ay ka soo weerar tageen.
Dadka Muqdisho waxey sheegayaan iney maqlayaa madaafiic aad u xoogan oo ay is dhaafsanayaan AL-shabaab iyo ciidamadda dowladda KMG ah oo garab ka helaya Amisom .
isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa la geeyay dhaawacyo dad rayid u badan oo ku soo dhaawacmay dagaalada iyo duqeynta Muqdisho ka socota iyadoo. Wallow aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dadka dagaalamaya.
Bar-kulan, Muqdisho
Warbixinada la Xiriira:
