Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

M/weyne Shariif oo ka hadlay Dastuurka qabyada ah

Muqdishu:Bar-kulan-M/weynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in qoraalka qabyada ah ee dastuurka Soomaaliya uu u baahan yahay dib u sixid iyo hagaajin wax ku ool ah.

Sh. Shariif Sh. Axmed oo war murtiyeed uu maanta soo saaray kaga hadlay Arrimaha Dastuurka, ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in qoraalka dastuurka uu u baahan yahay wax ku darid iyo wax ka dhimis ay ku sameeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, culumada diinta Islaamka sida wanaagsan u yaqaana, khuburada sharciga iyo xubnaha baarlamaanka si loo xaqiijiyo in dastuurku uu ka turjumayo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

War murtiyeedka M/weynaha, ayaa lagu sheegay in haddii aan la heli Karin dastuur ay ku wada qanci karaan shacabka, oo ay soo baxaan caqabado hor taagan ay muhiim tahay in lagu dhaqmo dastuurkii 1960kii kaasoo lagu meel mariyay afti dadweyne.

Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu sheegay in uu si weyn u aqoonsan yahay dadaalka badan ee ay guddiga madaxa bannaan galiyeen sidii loo hagaajin lahaa qoraalka dastuurka, balse la dhageysto rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka M/weynaha ayaa yimid xilli guddiga madaxa bannaan ee diyaariyay dastuurkaan ay sheegeen in ay ku rajo weyn yihiin in qoraalka qabyada ah ee dastuurka uu noqon doono mid lagu wada qanco, ayna diyaar u yihiin in ay dhageystaan qof walba oo aragtidiisa soo jeediyey.

Bar-kulan,Muqdisho

Warbixinada la Xiriira:

  1. M/weyne Shariif oo ka hadalay Safarkiisii, 2010/10/02
  2. M/weyne Shariif oo gaaray Jabuuti, 2010/10/01
  3. Dastuurka qabyada ah oo lagu muransan yahy, 2010/08/30
  4. Xildhibaanada iyo dastuurka qabyada ah, 2010/08/17
  5. M/weyne Shariif oo shacabka la hadlay, 2010/08/12

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal