Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Muusikiiste Beerfale oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho:Barkulan-Allaha u Naxariistee waxaa maanta Muqdisho lagu aasay Muusikiistihii weynaa ee hobolada Qaranka Waabari Maxamed Cabdi Qeyre (Beerfale) oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Geeridda Marxuum Maxamed Cabdi Beerfale, ayaa waxaa Bar-kulan u xaqiijiyay Abwaan Saciid Maxamed Xarawo, oo ay ka wadda Tirsanaayeen Kooxdii Hobolada Qaranka ee Waaberi.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaal Xaafadda EX-Fiyore, isagoo la sheegay in uu dhawaanahaan ku xanuunsanayay halkaasi.

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Beerfale waxa uu ka mid ahaa muusikiistayaashii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee barta Aqrinta iyo Qoridda Miyuusiga, waxa uuna ka mid ahaa kooxdii Xooga Dalka intii aan la isku darin kooxdaasi iyo kooxdii Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa sanadkii 1971kii, halkaasoo lagu aasaasay kooxda hobolada
Qaranka ee Waabari oo uu ka mid noqday muusikiistayaashii ugu horeeyay.

Maxamed Cabdi Beerfale, waxuu caan ku ahaa ka dhawaajinta Turumbada “Koorneetada”waxa uuna ka qeyb qaatay Riwaayado iyo Bandhig-faneedyo aad u badan.

Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Qeyre “Beerfale” waxa uu ahaa shaqsi ku wanaagsan la dhaqanka dadka cibaadadiisuna ay aad u badneyd waxa uuna ifka kaga tagay Qoys balaaran oo iskugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen.

Bar-kulan, Muqdisho

Warbixinada la Xiriira:

  1. Agaasimihii idaacadda Shabeelle oo lagu aasay duleedka Muqdisho, 2012/01/29
  2. Wariye Xiis oo maanta Muqdisho lagu aasay, 2011/12/19
  3. Imaam maxamuud Imaam Cumar oo Muqdisho lagu aasay, 2011/05/15
  4. Gudoomiyihii Maxakamadda Sare o Muqdisho lagu aasay, 2010/11/24
  5. Siciid Mire Xaydar oo Muqdisho ku geeriyooday., 2010/06/20

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal