Khaanad: Ciyaaraha, Qodobada wararka

Mourinho oo u digay taageerayaasha Madrid

Bar-kulam—Macalinka Real Madrid Jose Mourinho ayaa digniin u diray taageerayaasha kooxdiisa uu macalinka u yahay isagoo u sheegay ineysan u maleyn in uu sanadkaan horyaalka u qaadayo oo aysan rajeyn wax mucjiso ah, wuxuu ku yiri “waxaan ahay macalin—laakiin ma ahi Harry Potter.”

Hadalkaasi wuxuu ka danbeeyay markii kulankii ugu horeeyay ee horyaalka Spanish uu bareejo 0-0 ah la galay Mallorca halka kooxda uu dagaalka kula jiro ee Barcelona ay 3-0 dusha u saarisay Racing Santander.

“markii aan FC Porto iyo Inter Milan aan joogay, waxaan horyaal waliba ku bilaabay bareejo. Porto, waxaan u qaaday 4 horyaal. Halka Inter, aan 2 horyaal u qaaday 2dii sano ee iigu horeysay. Hada sidii oo kale ayaan ku bilaabay—” Mourinho wuxuu sidaa u sheegay AS. “kulanka ugu horeeya mar waliba waa wax dhib badan.”

“Macalin ayaan ahay—ma ahi Harry Potter. Oo ah nin mucjiso ah, laakiin mucjisadiisa ma ahan wax dhab ah.,” Mourinho, ayaa hadalkiisa intaa ku daray kaasoo markii uu Chelsea la joogay isku bixiyay The Special One.

Mourinho wuxuu sheegay in xiddigaha reer German Mesut Oezil iyo Sami Khedira ay dhib ku noqotay iney isfahmaan kooxda maxaa yeelay kuma hadlaan Spanish waxey yaqaanaan wax yar oo English ah.

Laakiin wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay ciyaartoydiisa qaabkii ay wax u difaaceen, Mourinho wuxuu intaa ku daray in ay waqti qaadan doonto in lala dagaalamo Barcelona, taasoo 2dii sano ee la soo dhaafay horyaalka gurigeeda geysatay , Madrid horyaal ay qaado waxaa ugu danbeysay 2008.

Madrid waxey go’aansatay iney maalgaliso Mourinho markii ay 6dii sano ee ugu danbeysay ku soo hartay wareega hore ee Champions League xilli ay dooneyso iney qaado koobkii 10aad.

Sunni Said Salah
Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Real Madrid oo garoonkeeda lagu garaacay iyo rikoorkii Mourinho oo la jabiyay, 2011/04/03
  2. Mourinho oo raadinaya guushii 1aad, 2010/09/18
  3. Real Madrid oo Sagootisay Raul, 2010/07/26
  4. Real Madrid oo la xaajooneysa Mourinho, 2010/05/24
  5. Mourinho: ‘waxaan rabaa Spain’, 2010/05/13

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal