Isreebreebka Euro 2012
Bar-kulan—Xulka koobka yurub difaacanaya ee was ayaa isreebreebka qaarada yurub ee Euro 2012 xalay guul ku bilaabay, halka France guuldaro loo saariyay , waxaana 1-0 kaga badisay Belarus.
Sergei Kislyak ayaa daqiiqadii 86aad goolka guuldarada u gacan galiyay France taasoo ah mid ka mid ah guuldarooyinkii ugu xumaa ee soo Mara.
David Villa ayaa record kiisa gool dhalinta Spain siyaadsaday markii uu xalay dhaliyay goolkiisii 44aad oo caalami ah waxeu 4-0 kaga adkaadeen Liechtenstein.
Xulka The Netherlands ayaa 5-0 kaga taqalusay San Marino, halka Germany ay 1-0 kaga badiyeen Belgium, Italy waxaa u suuragashay iney 2-1 kaga farxashaan Estonia , xulka England ayaa wacdaro ku bilaabay isreebreebka yurub markii uu Bulgaria 4-0 kaga tilaabsaday.
Guuldarada France ku dhacday waxey keentay in Bosnia-Herzegovina ay noqoto hogaamiyaha Group D markii ay 3-0 ku tuntay Luxembourg. Romania iyo Albania ayaa waxey isla galeen 1-1.
Portugal ayaa laga dhaliyay goolka bareejada ah daqiiqadii 89aad ee kaasoo keentay iney ciyaartaasi ay ku soo idlaato 4-4 ay la galeen Cyprus Group H.
Fernando Torres ayaa goolka 1aad u dhaliyay Spain ka hore intii uusan Villa soo bareejeeyn record gool dhalinta ee Raul Gonzalez oo ah 44 gool daqiiqadii 26aad, kubad uu ka soo laaday 20-tilaabo meel u jirtay.
Spain waxey min 2 dibcood ka sareysaa Scotland iyo Lithuania, oo 0-0 ku kala tagay.
The Netherlands ayaa waxey uu muuqataa iney tahay xul aad u awood badan marka loo eego xulalka ku jira Group E , Klaas-Jan Huntelaar ayaa dhaliyay wax loo yaqaan hat trick , 2da gool ee kale waxaa u kala dhaliyay Dirk Kuyt iyo Ruud van Nistelrooy.
Sweden waxey 2-0 kaga badisay Hungary halka Moldova ay 2-0 ku qaarajisay Finland.
Miroslav Klose, ayaa wuxuu dhaliyay goolkiisii 53aad ee caalami ah markii ay Germany 1-0 ku hadaafiyee Belgium.
Turkey ayaa laakiin Group A gool tirsi ku hogaamiyo oo kaga sareeya Germany markii Macalin Guus Hiddink uu 3-0 ku badiyay.
Russia, ayaa 2-0 ku dubtay Andorra Group B, waxaa isla group-kaasi 1-0 ku adkaaday Ireland uu kaga badisay Armenia , Slovakia ayaa 1-0 dhibcihii kaga qaadatay Macedonia.
Italy inkastoo ay 2-1 kaga badisay Estonia hadana gool ayaa looga naxsaday bilowgii ciyaarta.
Group C, Serbia ayaa 3-0 kaga badisay Faeroe Islands halka Northern Ireland ay 1-0 kaga badisay Slovenia.
Jermain Defoe ayaa goolasha loo yaqaan hat trick dhaliyay halka Adam Johnson uu goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay England, natiijadaasi waxey kor u qaaday niyada xulkaasi oo ku jira Group G.
Sunni Said Salah
Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
