Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Dayactir Lagu Sameyn Doono W-Gaadiidka cirka

Muqdishu:Bar-kulan-Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqday in ay dayactir weyn ku sameyn doonto dhismaha wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Max’ed Cismaan Cali Dhagaxtuur, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan dad barakacayaal ah oo aad u badan oo dagan dhismaha wasaaradda, wuxuuna ballaan qaaday in dadkaas loo sameyn doono dib u dajin.

Dhagaxtuur, ayaa sheegay in dowladda KMG ah ee Soomaaliya aysan si qasab ah dadkaas uga saari doonin dhismaha balse ay dajin doonto nidaam dadkaas meel kale loogu guurinayo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, ayaa sheegay in qorshahaan uu ka dhashay markii la garowsaday in madaxda wasaaradda aysan ku sii shaqeyn Karin dhisme kiro ah, iyadoo la heli karo xaruntii wasaaradda.

Dhinaca kale Dhagaxtuur, ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo hubin lahaa amniga magaalada Muqdisho, isagoo carabka ku dhuftay in rajo wanaagsan ay soo muuqaneyso markii maleeshiyaadka Shabaab ay ku hungoobeen weeraradii ay ku soo qaadeen deegaanada ay dowaldda KMG ah Maamusho.

Bar-kulan, Muqdisho

Warbixinada la Xiriira:

  1. Xaruntii wasaaradda gaadiidka cirka oo dowladda lagu wareejiyay, 2012/01/30
  2. Waddooyinka Muqdisho oo lagu dhejiyay calaamadaha kala hagista gaadiidka, 2011/12/01
  3. Gaadiidka aan taargada lahayn oo laga mamnuucay xarumaha dowladda, 2011/06/06
  4. Dowladda KMG oo ku guuleysatay soo celinta gaadiidkii badda iyo cirka, 2011/03/01
  5. Laamiga Cadaado oo dayactir lagu sameynayo., 2010/04/25

1 Fikrad for “Dayactir Lagu Sameyn Doono W-Gaadiidka cirka”

  1. ascwr wb waxan leeyahay dadkaas waa dad masaakiin ah hana iska joogeen meelaha ay hada degen yihiin sababtoo ah xiligaan ma muuqato baahi ah in la furo w-gaadiidka cirka xili ay dadka reer muqdisho ay ku sugan yihiin duleedka xamar.. mahadsanidiin .

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal