Wararka Todobaadka
Bar-kulan: Barnaamijka Wararka todobaadka waa barnaamij todobaadle ah oo aad raadiyaha Bar-kulan ka dhageysan kartaan maalin walba oo Jimce ah.
Waxaan barnaamijka ku soo qaadanaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee wararka dhacay todobaadkaasi.
Todobaadkan qodobada aad barnaamijka ku maqli doontaana waxaa ka mid:
- Dagaaladii Muqdisho ka soconayey iyo dhibaatooyinka ay geysteen.
- Deegaan u dhaw tuulada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo ay dagaalo mar kale ka soo cusboonaadeen.
- Laascaanood oo todobaadkii hore lagu dilay taliyiha ciidanka asluubta gobolka Sool ee Somaliland.
- Shil baabur oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.
- Kulan ka dhacay Jaamacadda magaalada Burco iyo qodobo kale.
Barnaamijka oo dhameystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.
Warbixinada la Xiriira:
