Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

Midowga Yurub oo Lacag ugu Deeqaya AMISOM

Nairobi:Bar-kulan-Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inuu lacag gaareysa 47 milyan oo Euro ugu deeqayo hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika uu ka wado dalka Soomaaliya.

Wakiilka ugu sareeya Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Catherine Ashton ayaa sheegtay inaan la dhayilsan karin hawsha ay AMISOM ka heyso Soomaaliya. Catherine waxay intaasi ku dartay in AMISOM ay door weyn ka ciyaareyso sidii wax looga qaban lahaa amniga sii xumaanaya ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalena sheegtay in ay AMISOM muujisay muhiimadda ay u leedahay sidii loo sameyn lahaa duruufo ogolaanaya in wada hadal iyo dib u-heshiisiin looga gaari lahaa xaaladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudiga arrimaha horumarka u qaabilsan Midowga Yurub Andris Piebalgs ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ka go’an yahay inuu sii wado kaalmada uu u fidiyo Midowga Afrika  si ay Midowga Afrika u sameyso duruufo sahli kara in la helo dib u-heshiisiin qaran, nabad waarta, xasilooni iyo horumar adag oo ka dhasha Soomaaliya.

Gudoomiyaha arrimaha horumarka u qaabilsan Midowga Yurub Andris, wuxuu sheegay inuu rajeynayo in hawlgalka AMISOM uu noqdo mid sameeya jawi lagu xaq dhawro xuquuqda aadamaha oo ilaalisa dhamaan muwaadiniinta u dhashay Soomaaliya iyo sidii dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ay ugu noqon karaan guryahooda iyagoo badqaba, ayuu yiri Andris.

Taageradda Midowga Yurub waa mid sii socon doonta si loo siiyo hawlgalka AMISOM fursada ah inay ilaaliyaan xarrumaha dawladda KMG, caawinta sidii loo hirgelin lahaa amniga qaranka iyo qorshaha dejinta dalka, sidii ay u fududeyn laheyd hawlgalladda gargaarka iyo ugu dambeyntii sidii ay gacan uga geysan laheyd dadaaladda lagu doonayo hub ka-dhigista iyo dejinta dalka.

Radio Bar-kulan

Warbixinada la Xiriira:

  1. Midowga Yurub oo hoggaamiyaasha Soomaalida ku boorisay kordhinta geedi socodka horumarka, 2011/09/10
  2. Raysul wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub, 2011/08/09
  3. Midowga Yurub oo kordhinaysa gargaarka, 2011/07/28
  4. Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Hargeysa gaaray, 2011/07/06
  5. Midowga Yurub oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya, 2011/03/22

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal