Khaanad: Muqdisho, Qodobada wararka, Wararka

Midowga Afrika oo sheegay in ciidankooda ay guulo ka gaareen dagaalka Muqdisho

Nairobi (Bar-kulan) Ku xigeenka wakiilka midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi, ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay houmar ka sameeyeen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wafuula, ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay horay ugu siqeen goobo aysan horay u joogi jirini, wuxuna tilmaamay in ay ku rajo weyn yihiin in wax weyn ay iska badali doonaan arrimaha Soomaaliya.

Ku xigeenka wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, waxa uu xusay in ciidamo dheeraad ay ku soo biireen ciidamada AMISOM ee horey u joogay Muqdisho, ayna filayaan in ciidamo kale oo dheeraad ah ay si degdeg ah ku gaaraan Magaalada Muqdisho.isagoo intaasi ku daray in ciidamada Amisom ay muqdisho ka fadhiyaan 9goobood marka laga reebo Taliska Ciidamada.

Wafula Wuminyinyi, ayaa soo bandhigay qariidad uu ku muujinayo guulaha ay ciidamada AMISOM ka gaareen dagaaladii ugu dambeyey ee Muqdishu ka dhacay, iyadoo qariidadaas lagu muujiyey in ay 5 degmo oo ay maleeshiyeedka Shabaab horey u haysteen haatan lagu haysto laba ka mid ah oo ay hadda maamulaan oo keli ah e degmo oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho.

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ayaa  sheegay in tirada ciidamada nabad ilaalinta Amisom ay kor u kacday iyadoo haatan gaartay in wax yar ka sareysa 7,000 oo askari.  Dhinaca kale wuxuu mas’uulkaas ku cambaareeyey Al shabaab qaraxyadii loo gaystay todobaadyadii tegey Hotel Muna iyo bas ay arday ku dhinteen.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Guddoomiyaha Midowga Afrika oo tegay Muqdisho, 2011/08/20
  2. Wafdi ka socda midowga Afrika oo Muqdisho gaaray, 2011/07/29
  3. Shariif oo qaabilay wafdi ka socday midowga Afrika, 2011/05/27
  4. AMISOM oo baaraysa rasaas ciidankooda furay oo dad ay ku dhaawacmeen, 2011/01/25
  5. Dowlada oo Soo Dhaweysay Go’aanka Midowga Afrika., 2010/07/29

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal