Ganacsato Cambaareysay Dagaalada Muqdisho
Gaarissa:Bar-kulan-Qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Gaarissa ee xarrunta waqooyi bari Kenya, gaar ahaan kuwa ganacsatada ah ayaa cambaareeyay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxayna tacsi u direen ehelada dadka ku waxyeeloobay dagaaladaasi oo ay ku tilmaameen nasiib darro aad u weyn.
Cabdullaahi Xuseen Cali oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Gaarissa ayaa ku tilmaamay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho mid nasiib xuma ah, islamar ahaantaana uu cambaareynayo sii socoshada dagaalada lagu dhibaateynayo dadka rayidka ah xilli ay gudanayaan bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Ifraax Cali Maxamed oo iyana ka mid ah gabdhaha ku ganacsada suuqa magaalada Gaarissa kana mid aheyd dadkii kasoo barakacay magaalada Kismaayo ayaa dhankeeda sheegtay in wax laga naxo ay tahay dagaalada ka socda Muqdisho, waxayna ugu baaqday kooxaha ku lugta leh dagaalada inay joojiyaan xabadda, una turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ku dul dagaalamayaan.
Ganacsatadaan Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Gaarissa ee xarrunta gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxay isku dayeeen inay sameeyaan mudaharaad ay ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan dagaaladda ka socda Muqdisho, laakin waxaa inay sameeyaan mudaharaadka ka hor istaagay nidaamka dawladda Kenya.
Waxaa gacansatadaan wajiyadooda ka muuqday qiiro wadannanimo iyo inaysan haatan diyaar u aheyn dib ugu noqoshada Soomaaliya.
Radio Bar-kulan
Warbixinada la Xiriira:
