Barbaarinta Dhallaanka
Bar-kulan: Barnaamijka Barbaarinta Dhallaanka waa barnaamij todobaadle ah oo raadiyah Bar-kulan aad ka dhageysan karto khamiista iyo jimcaha.
Barnaamijkaan waxaa loogu tala galay sare u qaadida dareenka wanaagsan ee dhalaanka Soomaaliyeed si uu ugu noqdo maaweelo, aqoon kororsi iyo anshax barida intaba.
Todobaadkaan qodobada aad barnaamijka ku maqli doontaana waxaa ka mida:
- Xuquuqda ay waalidka ku leeyihiin caruurtooda.
- Dhibaatooyinka soo gaari kara Caruurta ka yar 18 sano jirka oo la askareeyo amaba lagu darro maleeshiyaadka.
- Sheekadii Caruurta iyo Heesta barnaamijka barbaarinta dhallaanka.
Barnaamijka waxaad ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.
Bar-kulan.
Warbixinada la Xiriira:
