Khaanad: Qodobada wararka, Wararka

QM oo Rajo Wanaagsan Ka Muujisay Xaaladda Soomaaliya

Bar-kulan: Muqdisho- Kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M ee qaabilsan arrimaha siyaasadda Lynn Pascoe, oo socdaal ku maray bariga Africa, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey xaaladda qasan ee Soomaaliya.

Lynn Pascoe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi kadib markii uu magaalada Muqdisho kulan kula soo qaatay M/weyne Sh. Shariif, ayaa sheegay in uu si weyn u aaminsan yahay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya laga gudbi karo.

Kaaliyaha xoghayaha guud u qaabilsan Siyaasadda ayaa sheegay in markii uu tagay magaalada Muqdisho uu indhihiisa ku soo arkay xaqiiqda dhabta ah, uuna garwaaqsada dadaalka xoogan ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya wado.

Lynn Pascoe, ayaa xusay in dowladda KMG ah ku lug leedahay qorshayaal aan kala joogsi laheyn oo ay ku dooneyso in lagu joojiyo dagaalada iyo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed lagu hayo.

Lynn Pascoe, ayaa sheegay in inkastoo maleeshiyaadka Al-shabaab ay weeraro iyo caburin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, hadana ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaqdhaqaaqyo badan oo ay Muqdisho ka sameynayaan.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M ee qaabilsan arrimaha Siyaasadda, ayaa xusay in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo hay’adaha Q.M ay shacabka Soomaaliyeed kale shaqeynayeen sidii xasilooni Somaaliya ugu soo laaban laheyd.

Lynn Pascoe, ayaa sheegay in golaha amniga ee Q.M uu isugu imaan doono kulan gaar ah oo looga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.

Lynn Pascoe, ayaa ku ammaanay ururka midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD dadaalka ay ugu jiraan sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ka taagan, wuxuuna ballaan qaaday in Q.M ay sii xoojin doonto taageerada ay midowga Africa iyo AMISOM ka siineyso howlaha nabadda Soomaaliya.

Bar-kulan.

Wararka Soomaalida.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Lynne Pascoe iyo Mahiga oo ka war bixiyay abaaraha Soomaaliya, 2011/07/22
  2. Bisha Cas oo Walaac ka Muujisay Rabshadaha Soomaaliya, 2010/10/28
  3. UN Dignitaries Arrive in Mogadishu, 2010/09/02
  4. Wafdi QM oo booqday Muqdisho, 2010/09/02
  5. MSF oo walaac ka muujisay xaaladda carruurta Soomaaliya, 2010/06/23

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal