Khaanad: Gobolada, Qodobada wararka, Wararka

Kismaayo: Odayaal Dhaqameed Xabsiga La Dhigay

Bar-kulan: Kismaayo- Maleeshiyaadka kooxda Al- shabaab ee gacanta ku haya magalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa maanta xabsiga Kismaayo u taxaabay qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka gobolkaasi kadib markii ay ku edeyeen inay xiriir la leeyihin dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Odayaashan oo tiro ahaan lagu sheegay 4 oday isla markaana uu ka mid ahaa Nabadoon Yasiin Xusseen ,oo loo yaqaano (Yaasiin Koronto) ayaa la xiray kadib markii qaar ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaabka ay ku eedeyeen odayaasha in ay xirir la lee yihin dowladda Somalia.

Horjooge u hadlay shabaabka Kismaayo, oo lagu magacabo Sheekh Cabdi Raxmaan Fiilow ayaa waxaa uu Bar Kulan u sheegay in odayaashan ay gacanta ku soo dhigeen xili ay qadka taleefonka warar lidi ku ah maleeshiyaadka ugu gudbinayeen madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Horjeege Cabdi Raxmaan Fiiloow ayaa ku hanjabay in talaabo adag ay ka qaadi doonaan odayaashan ay maanta xabsiga Kismaayo u taxaabeen.

Mana ahan markii ugu horaysay oo maleeshiyada Al shabaab ee gobolada jubooyinka ay xarig iyo dil kula kacaan odayaasha beelaha daga jubooyinka.

Bishii febarayo e sanadkan ayay ahayd markii mid ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab Fu’aad shongale uu dadka reer kismaayo meel fagaare ah uga sheegay inay cirib tiri donaan qof kasta oo ay u arkaan inay wada shaqeyn kala dhaxeeyo xukuumada Soomaaliya.

Bar-kulan.

Wararka Kismaayo.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Culimo iyo odayaal dhaqameed lagu xiray Kismaayo, 2011/11/06
  2. Xildhibaan cambaareeyay xarig loo gaystay odayaal dhaqameed, 2011/07/16
  3. Kismaayo: Odayaal dhaqameed guryahooda laga kaxeeyay, 2011/01/12
  4. Al shabaab oo barakacyaasha Kismaayo amaro dul dhigay, 2010/09/13
  5. 8 haween ah oo xabsiga Kismaayo la dhigay, 2010/05/04

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal