Khaanad: Jaaliyadda Dibedda, Qodobada wararka, Wararka

Mareykanka: Soomaali u Ololaynaysa Dhismaha Masjid

Wallgreens, Mayfair, Kentucky

Bar-kulan: Mareykanka- Koox Soomaaliya oo ku nool galbeedka gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa siwada jir ah u buuxiyay codsi ay ku doonayaan in loo ogolaado dhismaha masaajid halkaasi ay ka dhsitaan, halka kooxda sida aadka ah uga soo jeedana ay ku doodayaan ineysan suura gal ahayn in goobtaasi laga dhiso goob lagu cibaadeysto.

Wargeyska Paducah Sun ayaa ku waramaya in 150 muslimiina oo u badan Soomaali ay u ololaynayaan in goobtaasi loo ogolaado iney ka dhistaan Masaajid, degmada Mayfield ee gobolka Kentucky.

Gudida dawladda hoose ee magaaladaasi ayaa lagu wadaa iney cod u qaadaan kadib markii codsigaasi dib loo fiiriyo maalinta berito ah, kulan ay ku leeyihiin dhismaha dawladda hoose ee degmada Mayfair.

Cabdi Maxamed oo ah 22 jir Soomaali ah ayaa kamida dadka sida aadka ah ugu ololaynaya dhismaha masaajidkaasi, waxa uuna Cabdi Maxamed sheegay in masaajidku uu qeyb ka yahay xarun ay yeelato jaaliyadda Soomaalida ee degmadaasi ku nool oo ay doonayaan iney halkaasi ka dhigtaan, waxa uuna intaasi raaciyay in xaruntaasi loogu talo galay in lagu caawiyo Soomaalida ku nool deegaankaasi sida in lagu baro luuqada afka ingiriiska si looga caawiyo iney la qabsadaan nolosha iyo dhaqanka degmada Mayfield ee gobolka Kentucky ee dalka mareykanka.

Maxamed waxa uu qiray in Soomaali badan oo halkaasi ku nool aysan fahamsanayn xukunka iyo jabinta sharciyada gobolkaasi taasina ay ugu wacan tahay iyagoonan si fiican u fahamsaneyn luuqadda ingiriisiga.

Dhinaca kale ganacsade lagu magacaabo Dick Conner oo halkaasi ku leh dukaan lagu iibiyo ubaxyada ayaa kasoo horjeeda in halkaasi laga dhiso masaajid, waxa uuna ganacsaduuhu  tilmaamay in goobta lagu wado in laga dhiso masaajid ay leedahay lix goobood oo la dhigto baabuurta iyadoo masaajidkana lagu wado iney soo xaadiraan ilaa iyo 300 ruux, taasi oo aanan suura gal ka dhigeyn in la helo goobo baabuurta la dhigto.

Dhinaca kalana xarun lagu madadaasho ayaa lagu wadaa in laga dhiso goob aad ugu dhaw halka la doonayo in laga dhiso masaajidka.

Waxayn arintaasi sababaysa in dadku ay baabuurta hordhigtaan halka uu ku yaallo dukaanka Dick Corner, waxa uuna ku booriyay in masaajidka laga dhiso meel kale oo leh goobo badan oo baabuurka la dhigan karo.

Brad Rodgers oo kamida Injineerada degmada Mayfair ayaa xusay in gudiga dawladda hoose ay tixgalinayaan in goobtaasi la rabo in masaajidka laga dhiso ay noqoto goob ku haboon waxa laga dhisyao, waana arin la mid ah hadiiba la damci lahaa xaata in goobtaasi laga dhiso kaniisad ayuu hadalkiisa raaciyay.

Rodgers waxa uu sheegay in gudiga dawladda hoose ee degmada Mayfield aysan waxba u baahnayn iney dib u eegaan hase ahaatee oo  kaliya looga baahan yahay in sharcigani loo codeeyo iyadoo sadex  kamida shanta ruux ee uu gudigaasi ka kooban yahay hadii ay codeeyaan uu sharcigani meel mar noqonayo, islamarkaana ay suura galayso in masaajidkaasi la dhiso.

Qiyaastii 150 Soomaaliya ayaa sanad ka hor degay degmada Mayfield iyagoo ka sahqeeya warshad doorada lagu qalo oo halkaasi ku taalla waxayna aad dadkani u doonayaan iney dhistaan goob jaaliyadda Soomaalida ay halkaasi ka sameystaan.

Ugu dambeyntiina Soomaali aad u badan oo ku nool degmada Mayfair oo ay soo dageen sanaidhii ugu dambeeyay ayaa aad u jeclaan lahaa iney nolol cusub halkaasi ka bilaabanaa iyagoo aadna ugu ololaynay iney xarun jaaliyada Soomaalidu ay halkaasi ku yeelato iyadoo masaajidkuna uu qeyb yahay xaruntooda, iyagoo sidoo kalana jecel inay bartaan baabuur wadida mareykanka oo ah dhabaha ugu horeeyay ee lagula qabsado nolosha mareykanka

Xigasho: Wakaalada Wararka AP.

Bar-kulan.

Warbixinada la Xiriira:

  1. Nin Soomaali ah oo Mareykanka eedeymo loogu heysto, 2011/03/28
  2. Mareykanka oo dib u dejin u sameynaya qaxooti Soomaali ah, 2011/01/26
  3. Ground zero oo Masjid Laga Dhisayo, Obama oo Difaacay, 2010/08/15
  4. Mareykanka: Soomaali oo u tartamaya gobolka Maine., 2010/04/18
  5. Ciidamada badda mareykanka oo qabtay 6 burcadbadeed Soomaali ah., 2010/04/11

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal