Shabaabka Jubbooyinka oo is qilaafay
Kismaayo:Bar-kulan-Khilaafkii ugu xooganaa ayaa soo kala dhexgalay Maleeshiyaadka Shabaabka ee heysta gobolada Jubbooyinka, kaasoo sababay in maleeshiyaad badan ay iskaga baxaan magaalada Dhoobleey.
Gadiid dagaal oo gaaraya ilaa 5 gaari iyo maleeshiyaadkii saarnaa oo ku sugnaa Dhoobleey, ayaa xalay gaaray magaalada Kismaayo kadib markii ay ka gadoodeen dhaqaale xumo soo foodsaartay maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Kismaayo ayaa maanta laga dareemay xiisad iyo dhaqdhaqaaq Ciidan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan maleeshiyadii gaartay Kismaayo qaarkood ay hubkii ay wateen la baxsadeen.
Qaar ka mid ah maleeshiyaadka Shabaab ee Kismaayo oo si weyn uga carooday go’aanka ay gaadiidka dagaal iyo maleeshiyaadka uga soo baxeen Dhoobley, ayaa billaabay in ay hanjabaad u jeediyaan maleeshiyada baxsadka ku tagtay Kismaayo.
Horjoogaha ugu sareeye Al-shabaab Jubbooyinka Abuukar Cali Aadan, oo la hadlay Radiyaha Shabaab ee magaalada Kismaayo, ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka baxsadka ku tagay Kismaayo in aysan xiisad ka abuurin Kismaayo.
Arrintaan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii Xasan Yacquub oo Shabaabka Kismaayo u qaabisan uu ku andacooday in maleeshiyaad ka soo goostay Axmed Madoobe ay ku soo biireen.
Bar-kulan, Kismaayo
Warbixinada la Xiriira:

asc waa idiin salamay alshabaab in aay soo goostaan danta ayaa qasbay