Masaajid la diiday in lagu tukado taraawiixda
Muqdisho:Bar-kulan-Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/qadir Sh. Max’ed Nuur, ayaa cambaareeyay go’aankii maleeshiyaadka Shabaab ay ku diideen in masaajidda magaalada Kuntuwaarey lagu tukado salaadda Taraawiixda.
C/qaadir Sh. Max’ed waxa uu sheegay in maleeshiyaadka diidan dowladda KMG ah ee ay si waafaqsan aragtidooda ay doonayaan in ay ku qasbaan shacabka gobolka Shabeelaha hoose, oo diidan in ay qaataan figradaha xag jirnimada ah.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ee dowladda KMG ah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay si weyn uga walwalsan yihiin amarada diinta islaamka wax u dhibaya ee ay Shabaabka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
C/qaadir Max’ed Nuur, ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka Xisbul Islaamka Afgooye ay xabsiga dhigeen wadaad caan ka ah gobolka Shabeelaha hoose.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in sheekhaan la xiray kadib markii maleeshiyaadka Xisbul Islaam ay diideen in culumada iyo inta qur’aan akhriska taqaano ay isugu yimaadaan subaca qur’aanka oo bil kasta oo Ramadaan ah la sameyn jiray.
Maleeshiyaadka Xisbul Islaam, ayaa horey tusbax ugu tilmaamay baadil laga soo minguuriyey dad aan islaam aheyn.
Bar-kulan, Shabellaha
Warbixinada la Xiriira:
- Masaajidda Ceelasha Biyaha oo la diiday in lagu tukado salaadda Ciida, 2011/08/30
- Hoggaamiye Xasan Daahir oo isku dhiibay Al Shabaab, 2010/12/20
- Odayaal lagu xiray Buur-hakaba, 2010/08/21
- Kuntunwaarey: Dad Loo diiday Iney Tukadaan Salaada Taraawiixda, 2010/08/13
- Maleeshiyaad Ku biiray Al shabaab., 2010/06/18


alshab markii hore kher miyaa laga sugayay